Hordhac: France Vs Croatia: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Finalka Koobka Adduunka Russia 2018.

0
389

Waxa la joogaa maalintii ugu dambaysay ee tartanka koobka adduunka Russia 2018 iyaa oo labadii xul ee ugu dambeeyay ay isku haleeli doonaan Moscow iyaga oo ku dagaalami doona sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen koobka ugu qaalisan kubada cagta.
Koobka adduunka ayaa la soo xidhi doonaa iyada oo France iyo Croatia ku dagaalami doonaan garoonka Luzhniki Stadium iyaga oo doonaya in uu mid walba gacanta ku dhigo koobka adduunka.
Kooxda Didier Deschamps ayaa doonaysa in ay markii 2-aad ee taariikhdooda ko u qaado koobka ugu qiimaha iyo qaayaha badan kubada cagta.
Dhanka kale xulka Croata oo markii ugu horaysay taariikhdooda soo gaaray finalka tartanka ayaa doonaya in ay ku guulaystaan koobka adduunka.
Kulanka: France Vs Croatia
Tartanka: Koobka Adduunka
Wakhtiga: 6:00
Garoonka: Luzhniki Stadium
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Xulka France ayaan wax guuldaro ah la kulmin 5-tii kulan ee ay la soo ciyaareen xulka Croatia iyaga oo badiyay 3 kulan, waxa ay kulmeen laba kulan oo aan tartan Rasmi ah ahayn.
France ayaa guul soo laabasho leh ka gaartay Croatia semi-finalkii koobkii adduunka 1998 iyaga oo gool looga hor maray ugu badalay laba gool.
Labadan xul oo sidoo kale isku Group noqday tartankii Euro 2004 ayaa ku kala bar-baro 2/2 ah.
Kulankii ugu dambeeyay ee tan ilaa wakhtigaas ayaa ahaa mid bar-baro goolal la,aan ah oo saaxiibtinimo ahaa oo dhacay March 2011.




READ MORE FROM THE SOURCE: Hordhac: France Vs Croatia: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Finalka Koobka Adduunka Russia 2018.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.