Hordhac: Juventus vs Lazio: Cristiano Ronaldo Oo Markii Ugu Horaysay Ka Soo Muuqan Doona Garoonkii Ay Taageerayaashu Fadhiga Uga Keceen 4 Bilood Ka Hor Markii Uu Dhaliyay Goolkii Taariikhiga Ah

0
79

Kooxda Juventus ayaa ciyaari doonta kulankeedii 2-aad ee horaalka Serie A-da iyo kulankoodii ugu horeeyay ee garoonkeeda Allianz Stadium kadib markii ay horyaalka ku bilowdeen meel ka baxsan garoonkeeda.
Cristiano Ronaldo oo aan wax gool ah dhalin kulankiisii ugu horeeyay ayaa isha ku haya in uu shabaqa soo taabto kulankiisii ugu horeeyay ee garoonka Allianz Stadium isaga oo xiddig Juventus ah.
Si kasta ha ahaatee kulanka ayaan noqon doonin mid fudud maadama ay la ciyaari doonaan kooxda mayalka adag ee Lazio oo guuldaro ku bilaabatay horyaalka Serie A.da.
Juventus oo si dirqi ah uga badisay kooxda Chievo kulankii sabtidii hore ayaa si weyn u doonaysa in ay hesho 3-da dhibcood ee kulanka maadama ay doonayso in ay ka fogaato Napoli oo durba ku daba naban.

Kulanka: Juventus vs Lazio
Tartanka: Serier A
Wakhtiga: 7:00 Fiidnimo
Garoonka: Allianz Stadium
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
kooxda Lazio ayaan wax guuldaro ah la kulmin 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda
Kooxda Juventus ayaan dhankeeda wax guuldaro ah kala kulmin 36 kulan oo ka mid ah 38-kii kulan ee ay horyaalka ku ciyaartay garoonkeeda
Kooxda Lazio ayaa dhalisay 22 gool 24-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda taas oo u cel-celis ahaan u dhiganta 2.5% gool kulankiiba.
 




READ MORE FROM THE SOURCE: Hordhac: Juventus vs Lazio: Cristiano Ronaldo Oo Markii Ugu Horaysay Ka Soo Muuqan Doona Garoonkii Ay Taageerayaashu Fadhiga Uga Keceen 4 Bilood Ka Hor Markii Uu Dhaliyay Goolkii Taariikhiga Ah

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.