Hordhac:Belgium vs. England: Xulka Saddexda Libaax Mise Shayaadiinta Cas-Cas? Xulkee Xaqiiqsan Doona Kaalinta 3-aad?

0
219

Xulalka Belguim iyo England ayaa isaga hor iman doona kulankoodii 2-aad ee tartanka koobka adduunkRussa ia 2018 kadib markii ay soo wada ciyaareen wareega Group-yada kooxda adduunka 2018.
Xulka England ayaa kulanka soo galay isaga oo guuldaro wakhti dambe ah kala kulmay xulka Croatia iyaga oo ku fashilmay in ay u gudbaan wareega finalka koobka adduunka.
Dhanka kale xulka Belguim ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulmay xulka France iyaga oo ku hungoobay in ay markoodii ugu horaysay taariikhdooda gaaraan Finalka koobka adduunka.
Labada xul ayaa kulankan ku dagaalami doona xulka heli doona sharafta kaalinta 3-aad ee koobka adduunka Iyaga oo kulanka u soo galaya sidii ay guul ugu macasalaamayn lahaayeen tartanka.
Xulka England ayaa sidoo kale doonaya in ay ka aar gutaan Belguim oo guul 1/0 ah ka gaartay kulankii ugu dambeeyay ee Wareega Group-yada koobka adduunka.
Kulanka England Vs Belguim
Tartanka: Koobka Adduunka
Wakhtiga: 5: Galabnimo
Garoonka: Saint Petersburg Stadium
XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Ka Hor Intii uuna Guuldaro 1/0 ah kala kumin Belguim koobka adduunka sanadkan wareegii Group-yada, England ayaa kaliya hal kulan guuldaro kala kulantay Belguim 21-kii kulan ee hore 15 England aya badisay 5 kalena bar-baro ayay galeen.
Xulalka Belguim iyo England ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee laba jeer iska hor yimaada koobka adduunka tartan kaliya tan ialaa 2002 markaas oo ay laba jeer iska hor yimaadeen xulalka Turkey iyo Brazil.
Belguim ayaa kaliya laga badiyay 2 kulan 26-kii kulan ee uu Roberto Martinez tababare u ahaa kulankiisii ugu horeeyay ee September 2016 oo uu ay Guuladro 2/0 ah kala kulmeen Spain iyo midkii Semi-finalka tartanka ee ay guuldarada 1/0 ah kala kulmeen France.
Weeraryahanka Romelu Lukaku ayaa dhaliyay 23 gool 23 kulan oo uu ka hoos ciyaaray tababare Roberto Martinze, inkasta oo uuna dhalin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay laakiin 4 kulan oo isku xigta gool la,aan muu bixin.
 




READ MORE FROM THE SOURCE: Hordhac:Belgium vs. England: Xulka Saddexda Libaax Mise Shayaadiinta Cas-Cas? Xulkee Xaqiiqsan Doona Kaalinta 3-aad?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.