HORDHACYO: Arsenal vs Cardiff City, Man United vs Burnley & Newcastle vs Man City – Kulamada Caawa, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Ganaaxyada & Dhaawacyada

0
47

Horyaalka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa dib usoo laabtay kaddib markii uu fasax galay hal toddobaad oo naadiyadu ciyaarayeen tartamada EFL Cup iyo FA Cup.

Caawa ayay kooxuhu iskaga hor iman doonaan toddobaadka 24aad ee xilli ciyaareedka, waxaana qabsoomi doona lix ciyaarood halka ay Arbacadana dhici doonaan afar kulan oo kale.
Arsenal ayaa waxay caawa garoonkeeda Emirates ku martigelin doontaa naadiga yar ee Cardiff City oo la tiiraanyeysan musiibadda laacib ay soo iibsatay oo diyaaraddii sidday la waayey, loona badinayo inay ku dhacday jasiiradaha u dhexeeya Faransiiska iyo Ingiriiska, hase yeeshee ay baadheyaashu ka quusteen inay helaan wax raad ah oo muujinaya halka ay ku dhacday, kaddibna ay joojiyeen baadi-goobka ka hor intii aanay laacibiinta dunida iyo dad kaleba ururinin qaadhaan ay ku maalgelinayaan baadhis madax bannaan.
Arsenal oo ciyaarteedii ugu dambaysay ee horyaalka 2-0 ku garaacday Chelsea oo Emirates ugu timid, isla markaana soo yaraysay farqiga dhibcaha laga horreeyo ayaa waxay caawa u halgami doontaa inay iska soo maydho guul-darradii qadhaadhayd ee semi-finalka EFL Cup ay Manchester United ugu xambaarisay isla garoonkeeda oo ay ku karbaashtay 3-1.
Arsenal waxay ku qasban tahay inay guul gaadho si ay usii xajisato booska shanaad oo ay ku fadhido 44 dhibcood oo ay ka heshay 23 kulan oo horyaalka ah oo ay ciyaartay, waxaanay isku dhibco yihiin Manchester United oo haddii ay siibato ka faa’iidaysan karta.
Waxay Gunners caawimo ka heli doonaan caawa garoonkooda oo 12 ciyaarood oo xili ciyaareedkan ay ku yeesheen ku adkaaday 9 ka mid ah, halka mid kaliya lagaga badiyey, waxaase dhibaato ay uga iman doontaa labada ciyaarood ee xiga oo ay safar ugu tegi doonto Manchester City iyo Huddersfield Town ka hor inta aanay 14 February la ciyaarin BATE oo ay lugta koowaad ee Eurpa League ee wareegga 16-ka isku haleeli doonaan.
Gunners hubka ay ku dagaal-gelayso waxa rideyaal ka noqon doona Alexandre Lacazette iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo qaab ciyaareed wanaagsan ku jira.
Xogta Kulanka:
Kulanka: Arsenal vs Cardiff City
Tartanka: Premier League, kulanka 24aad
Waqtiga: 10:45 PM – Saacadda Geeska Afrika
Garoonka: Emirates
Wararkii ugu dambeeyey ee dhaawacyada iyo ganaaxyada labada kooxood
Arsenal ayaa waxay badhtanka ugu jirtaa mashaqo dhaawacyo ah, waxaana jimcihii safkooda ka baxay difaacyahannada Luarent Koscielny iyo Sokratis Papastathopoulos, kuwaas oo laga saaray garoonka kulankii Manchester United.
Rob Holding iyo Hector Bellerin ayaa hore dibedda ugu joogay dhaawacyo waqti dheer ah, waxaana ka daba-tegay labadii laacib ee kulamadii ugu dambeeyey tiirka u noqday Gunners ee Koscielny iyo Sokratis oo daanka iyo kuraanta dhaawacyo kasoo kala gaadheen.
Henrikh Mkhitaryan ayaa la filayaa inuu soo laabto, laakiin waxa booska khadka dhexe sii xajisan doona Aaron Ramsey oo kulamadii ugu dambeeyey si joogto ah usoo bandhigayey ciyaar tayadeedu sarrayso, halka aanu weli taam ahayn Danny Welbeck.
Mesut Ozil oo u muuqda mid tababaruhu nacay ayaa kusoo bilaaban kara kaydka inkasta oo taageereyaashu ay si weyn ugu doodayaan.
Dhinaca Cardiff City, waxa ka maqnaan doona kabtankooda Sean Morrison  oo lagu sameeyey qalliin qabsin ah, waxaase la filayaa in weerarka ay kasoo muuqdaan Oumar Niasse oo amaah ay kaga soo qaateen Chelsea, David Hoilett iyo Nathaniel Mendez-Laing.
Victor Camarasa oo ay Cardiff amaah kaga soo qaadatay naadiga reer Spain ee Real Betis ayaa isaguna heli doona boos uu isku muujiyo markay iska hor yimaaddaan Arsenal.
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood
Arsenal: Leno; Xhaka, Mustafi, Monreal; Maitland-Niles, Guendouzi, Torreira, Iwobi; Ramsey; Lacazette, Aubameyang
Cardiff: Etheridge; Peltier, Bamba, Manga, Bennett; Mendez-Laing, Arter, Camarasa, Ralls, Hoilett; Niasse
Riix 2 si aad u wada akhrido
The post HORDHACYO: Arsenal vs Cardiff City, Man United vs Burnley & Newcastle vs Man City – Kulamada Caawa, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Ganaaxyada & Dhaawacyada appeared first on Latest football news.




SOURCE: HORDHACYO: Arsenal vs Cardiff City, Man United vs Burnley & Newcastle vs Man City – Kulamada Caawa, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Ganaaxyada & Dhaawacyada

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.