Imaaraadka oo sheegay qorshooyin cusub oo ay la damacsan yihiin Somalia

0
159

Muqdisho (Caasimada Online)- Dowlada Imaaraadka carabta ayaa shaaca ka qaaday inay ka shaqeyneyso sida ay Somalia ku heli laheyd amni iyo xasilooni kadib kororka ku imaaday weerarada ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka geystaan Muqdisho.
Maxamed Ciise  Al-suwaydi oo ah Safiirka dowlada Imaaraadka uga wakiilka ah daalalka Belgium, Luxembourg iyo EU-da, ayaa sheegay in dowladiisa aysan ka raali noqon doonin in maleeshiyaadka Alshabaab ay qasaan amniga Somalia, waxa uuna cadeeyay inay wadaan qorshooyin cusub.
Waxa uu safiirka sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay sidii ay u taageeri lahaayeen dadka Soomaalida iyo dadaalka lagu doonayo in lagu so celiyo Midnimadda, Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.
Maxamed Ciise  Al-suwaydi, oo ka hadlaayay shirka lagu soo gabagabeeyey magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay inay la xaajooto Somalia isla markaana kala shaqeyso sida amniga, dhaqaalaha iyo xasiloonida.
Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Dowladda Imaaraadka waxay had iyo jeer safka hore kaga jirtay dadaalka Beesha Calaamka ee lagu taageerayo Somalia iyo sidii loo soocelin lahaa Nabadda iyo Deganaansha Ummaddooda wey naga go’an tahay inaan sii wadno dadaalada xalka loogu raadinaayo Somalia”
Waxa uu Danjire Maxamed Ciise  Al-suwaydi carab dhabay in Somalia ay ka taageerayan dhinacyadda Tababarka Ciiddamadda, Dhaqaalaha, Loojistikada, Gargaarka Samafalka iyo La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.
Waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan Heshiiskii ay DFS iyo Mamaul-gobaleedyadda kala saxiixdeen bishii December 5-dii ee sannadkii hore, waxa kale oo uu tilmaamay inay taageerayaan qorshaha Horumarinta Qaranka, gaar ahaan sidii Dib-u-habayn loogu samayn lahaa Ammaanka ay DFS ku hawlan tahay.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka danjiraha ayaa ku soo beeegmaya iyadoo aan weli la xalinin Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Imaaraadka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Imaaraadka oo sheegay qorshooyin cusub oo ay la damacsan yihiin Somalia

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.