INIESTA OO BOORSOOYINKIISA XIR XIRTAY KOOX CUSUBNA KU BIIRAYA WAA TEE KOOXDAASI?

0
171

waxaa si xowli ah ku socda wada hadalo la donayo in xidigii hore ee kooxda Barcelona Andres Iniesta uu si rasmi ah ugu biiro koox ka dhiisan dalka Japan oo lagu magacaabo Vissel Kobe.

maalinta Beri ah ayaa qorshuhu yahay in Iniesta uu u duulo dalka Japan si uu u soo dhamaystiro una saxiixo Heshiiska uu la gali doono kooxdan, intaa kadibna si dg dg ah ayuu ku soo laaban doonaa si Tababarka xulkiisa Qaranka uu isugu diyaarinayo ka qayb galka Koobka Aduunka u sii wato.

waxaa wararku ay sheegayaan in Andres Iniesta uu u saxiixi doono kooxdan reer Japan ee Vissel Kobe heshiis ku kacaya ilaa sadax sano.

Heshiiskaan ayaa si wayn waxaa ugu lug leh Hiroshi Mikitani oo ah agaasimaha ugu sareeya shirkada Rokuten oo maal gelisa kooxda Baraca.

dhawaan ayaa xidigan waxaa uu si rasmi ah uga tagay kooxdan isagoo markii uu katagayay sheegay in uusan doonayn in uu ka ciyaaro horyaalada yurup oo ay iska hor yimaadaan kooxdiisa hore sidaa darteedna uu door bidayo in uu Horyaalo kale ka ciyaaro waana mida keentay in uu u shaqo tago Horyaalka Japan.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.