INTERNSHIP (Qoraa iyo tifaftire Afsoomaali) – Hargeisa

0
130

 INTERNSHIP (Qoraa iyo tifaftire Afsoomaali).
Shirkada talo bixinta ee Platinum waa shirkad, kala talisa shirkadaha kale iyo cid waliba oo dooneysa arrimaha kusaabsan, Ganacsiga, Suuqgeynta iyo Teknoolojiyada iyada oo isticmaalaysa qaabab ka duwan kuwa imika la adeegsado
Dhamaan shaqooyinka aynu qabano gaar ahaan talo bixinta waxaynu inta badan sameynaa daraasado kusaabsan xaalada dalka ka jirta iyo sida ganacsiyadu xaaladoodu tahay, kadib ayaynu Talooyin ku haboon siinaa Shirkadaha.
Shirkada platinum consulting waxay doonaysaa qof kula shaqeeya si Internship ah oo aqoon wanaagsan u leh qorista iyo turxaan bixinta Afsoomaaliga.
Shaqooyinka laga doonayo waa:

Inaad dib u aqrisaa shaqooyinka qorayaasha kale ay diyaariyeen kana saartaa qaladaadka
Inaad soo daraaseeyso mawduucyo ku wanaagsan qormooyinka aynu diyaarinayno.
Inaad daraaseeyso, qorto, turxaan bixiso qormooyin cusub.
Inaad sameeyso eraybixin kusaabsan kalmadaha ku cusub Afsoomaaliga.
Inaad sameeyso warbixino kusaabsan sida dadka ay uga falceliyeen qormooyinka.
Inaad qiimeeyso qormooyinka kale ee shaqaalaha, kana soo saarto qiimeyn waxyaabaha la daabico karo iyo waxyaabaha aan la daabici kareyn
Inaad diyaariso murti iyo hal abuur loo adeegsan karo xayaysiisyada shirkada iyo shirkadaha kale.
Aqoon aad u leedahay luuqadaha kale waa dheeraad aynu kugu xulan karno.

Hadaba hadii aad dooneyso inaad ka qeyb qaadato fursadan waxaad email inoogu soo dirtaa cv-gaaga iyo warbixintaada oo dhamaystiran email-kayaga hello@platinumsom.com




SOURCE:  INTERNSHIP (Qoraa iyo tifaftire Afsoomaali) – Hargeisa

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.