Is-beddel 10 cisho kadib ku imaan doono sugidda amniga magaalada Xamar

0
259

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in 10 maalin kadib ciidamo cusub oo ka qeyb qaadanaya xoojinta amaanka magaalada Muqdisho ay dhameysan doonaan tababar hadda u socdo.Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed ayaa shaaciyay in ciidamo cusub oo gaaraya 1000 askari ay dhawaan soo dhameysan doonaan tababar muddo u socday.Ciidamadaasi ayuu sheegay in hadda tababarka uu kaga socdo xarunta Xisbiga, waxaana ay la wareegi doonaan amaanka magaalada Muqdisho oo hadda inta badan ciidamada booliska ay sugaan.Wuxuu taliyaha sheegay in hadda amaanka magaalada Muqdisho ay sugaan ciidamada booliska marka laga reebo meelo kooban oo ciidamada meletariga ay joogaan, sidaasi si lamid ahna ciidamada cusub ay ku biiri doonaan adeynta amaanka magaalada Muqdisho.Taliye Americo ayaa ugu dambeyn sheegay in ciidamada booliska ee cusub la baray shuruucda ciidamada booliska iyo la dhaqanka bulshada.Ciidamada booliska ayaa ayaa la dhigay bar ilaalineedyada ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay yihiin arday dhameysatay goobaha waxbarashada.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Is-beddel 10 cisho kadib ku imaan doono sugidda amniga magaalada Xamar

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.