Is-qabqabsi xoog leh oo ka taagan wasaarada maaliyada iyo wasiiru dowlaha oo ka hor yimid warqaddii Beyle

0
287

Muqdisho (Caasimadda Online) – Isqab qabsiga ka taagan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa yimid ka dib markii Wasiirka Maaliyadda uu kusime Magacaabay ka hor safar uu ugu ambabaxay Magalada Brussels, isaga oo ka qeyb galay shirka halkaasi ka socda.
Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Wasaaradda Maaliyadda kusime uga dhigay.inta uu maqan yahay ku xigeenkiisa waxaana tallaabadaas kasoo horjeestay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.
War qoraal ah oo uu soo saarey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim ayuu ku sheegay in Warqada Wasiirka Maaliyadda uu kusimaha uga dhigay Wasiir kuxigeenka ay tahay mid ka hor imaaneysa Xeer hoosaadka Golaha Wasiirada oo kala cadeynaya xilalka iyo Masuuliyadda Wasaaradda.
Loolanka u dhaxeeyay Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiiru dowlaha Maaliyadda ee ku aadan shaqada Wasaaradda ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana dhowr jeer arrimo ay isku qabteen ku baxay Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim  Waxa uu ku baaqay in howlaha Wasaaradda loo socodsiiyo sida Sharciga ah.
Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda uu soo saaray

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com
 




READ MORE FROM THE SOURCE: Is-qabqabsi xoog leh oo ka taagan wasaarada maaliyada iyo wasiiru dowlaha oo ka hor yimid warqaddii Beyle

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.