Is-rasaaseyn iyo qarax ka dhacay Muqdisho

0
357

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Israasaaseyn maanta ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir gaar ahaan halka lagu magacaabo Kawaan bari.Sida ay goobjoogayaal u sheegeen Caasimada Online, israsaaseynta ayaa timid ka dib markii Ciidamo ka tirsan Booliska ay isku dayeen in ay halkaasi ka raraan dadka degan, islamarkaana la geeyo goobkale oo loo diyaariyay.Ciidamo la sheegay in ay ka tirsanaayeen dowladda oo taageerayay dadka degaanka ayaa la dagaallamay Ciidankii rabay in ay dadka raraan.Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhaawacantay rasaaseynta dhexmartay Ciidanka dowladda Soomaaliya sidda uu sheegay goobjooge ka mid ah dadka degaanka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Cod-Goobjooge.mp3Dhinaca kale, Wararka inaga soo gaaraya Xaafadda Daallo ee Degmada Hawlwadaag, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay goor dhaweyd qarax khasaare gaystay.Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay, ayaa waxaa lala damacsanaa gaari Ciidan oo meesha maraayay, balse markii uu gudbay gaariga ayeey qaraxday miinada.Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay in hal ruux oo shacab ah uu ku dhaawacmay goobtaasi, sidoo kalena uu bur bur soo gaaray gaari noociisa uu yahay Land Cruiser oo meesha yaalay.Wadada sodonka, ayaa xilliyada duhurkii waxa ay tahay mid mashquul badan oo gaadiidka dadweynaha si wayn ay halkaasi u isticmaalaan.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Is-rasaaseyn iyo qarax ka dhacay Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.