Isbaarooyin La Soo Dhigay Inta U Dhaxeysa Afgooye Iyo Wanlaweyn

0
347

Maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in dowladda federaalka u gudbiyeen isbaarooyin yaalla wadada isku xirta degmadaasi iyo Afgooye.
Maxamed C/laahi Cumar oo ah guddomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda ee maamulka degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in shacabka ku safra wadadan ay dhibaatooyin badan qabaan.
“Waxaa ay dadka ka cabanayaan waa wax Muuqdo waxa ka jira inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn waxaa la dhihi kaaraa gumaad waa meel lagu gumaado Shacabka Soomaaliyed marna Asxaan looguma sameeyo waxaan documentiyo badan gaarsiinnay Wasaaradda gaashaandhigga iyada ayaana jawaab ka sugeynaa”.
Isbaarooyinka yaalla wadada u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn ayaa ah kuwo badan iyada oo halkaasi gaadiidka looga qaado lacago badan.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Isbaarooyin La Soo Dhigay Inta U Dhaxeysa Afgooye Iyo Wanlaweyn

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.