ISBADALADA NATIIJO EE KU XIRAN KULAMADA MAANTA HORYAALKA PREMIER LEAGE.

0
202

Maanta waxaa si rasmi ah loo soo gaba gabaynayaa Horyaalka Premier leage kooxaha ayaa ciyaartooda ay wada bilaaban doonaan isku saacad Taa oo u jeedka laga leeyahay  ay tahay in aysan kooxuhu midba mida kale ogaan natiijada kasoo baxday kooxda kale ee Ciyaaraya.

Dagaalka ugu wayn waxaa uu u dhaxeeyaa kooxaha Liverpool iyo Chalsea Liverpool waxaa ay kaalinta 4aad ugu jirtaa 72 dhibcood halka kaalinta 5aad ay Chalsea ku fadhiso 70 dhibcood.

Waxa ugu wayn isha sida wayn loogu hayo ayaa waxaa ay tahay in chalsea ay ku ducaysato in kooxda Liverpool ay jab kala kulanto Brighton oo ay iyada ka badiso kooxda ay ku wajahan tahay ee Newcastle.

Hadii chalsea ay badiso oo ay Liverpool bar bar gasho xitaa chalsea waxaa ku adkaandoonta in ay kasoo muuqato kaalinta 4aad waayo waxaa imaan doonta goolal tirsi.

Dhanka kale hadii ay dhacdo in Liverpool ay bar bar dhac la gasho Brighton xitaa waxaa ay awood u sii yeelanaysaa in booskaasi 4aad xajisato oo xili ciyaareedka nasoo aadan ay Toos u aado tar tanka Champions Leage.

Dhanka kulamada Maanta ayaa lagu Go’aamin doonaa kooxda 3aad ee ka hari doonta Horyaalka Premier leage.

Labada kooxood ee kala ah Swansea city iyo Southamptom ayaa ku dagaalamaya cidii horyaalka ku hari lahayd,

Swansea city waxaa ay u baahan tahay in ay ka badiso stoke oo ay ku aadan tahay, Badis kaliya maahee ugu yaraan waa in ay 5 gool  ka dhaliyaan shabaqa stoke.

Waxaa kale oo qasab ah in kooxda ay la loolamayso ee Southamptom ay Iyana jab aad u wayn kala kulanto Guulaysteyaasha Horyaalka Mancity  ugu yaraana laga dhaliyaa 5 gool.

Isbadalada kale ee sida rasmiga ah maanta loo Go’aamin doono ayaa waxaa kamid ah tartanka Gool Dhalinta Horyaalka Premier Leage oo si wayn ay  isugu baacsanayaan xidigaha Maxamed Saalax iyo Harry Kane.

Harry Kane waxaa uu leeyahay 28 gool halka Maxamed Saalax uu haysto 31 gool waxa ay u badan tahay in saalax ku guulaysan doono Tartankaan inkastoo wax waliba ay is badali karaan oo ay kubadu tahay cad iyo madoow,

Xili ciyaareedka maanta lasoo gaba gabaynayo waxaa uu ahaa mid aad u xiiso badan isla markaana wax badan oo is badalo ah laga bartay.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.