Isimada PUNTLAND oo soo faro-geliyey muranka ka taagan DOORASHADA

0
255

Garoowe (Caasimada Online) – Isimada Puntland, Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka, saraakiisha amniga doorashada iyo inta badan musharaxiinta ayaa kulan ku yeeshay magaalada Garowe, gaar ahaan guriga Islaan Ciise Islaan Maxamed.Kulankan ayaa looga hadlay cabasho ay musharxiinta Puntland ka qabeen Guddiga khilaafaadka Baarlamaanka iyo saraakiisha amniga doorashada oo ay horey ugu gudbiyeen issimada.Musharax Aadan Gaadaale oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in issimada Puntland ay damaanad qaadeen wixii cabashooyin ah ee ka yimaada Guddiga khilaafaadka iyo kan amniga, isla markaana wixii cabasho ah oo ay qabaan musharaxiintu loo soo gudbinayo issimada.Sidoo kale musharax Gaadaale oo ku hadlayay afka musharaxiinta ayaa sheegay in ay ku qanceen arrintaas ayna uga dambeyn doonaan issimada Puntland.Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa maalmaha soo socda laga sugayaa liiska Xildhibaanada, waxaana la soo sheegayaa in ay jiraan xubno badan oo muran ka jira.Doorashooyinka Puntland ayaa muran ka dhashaa Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka iyo amniga doorashada, inkastoo marka dambe xal laga gaaro.Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com




SOURCE: Isimada PUNTLAND oo soo faro-geliyey muranka ka taagan DOORASHADA

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.