Iskahorimaad hubeysan oo goordhow ka dhacay Dhuusamareeb

0
70

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in goor dhow laga maqlay is rasaaseyn meel ku dhow xarunta Iji ee magaalada Dhuusamareeb.

Lama oga israaseyntan cida u dhexeysa hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya inuu ka yimid kala shaki ciidamo ka wada tirsan ciidamada amniga magaalada Dhuusamareeb.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan,mana jirto illaa hadda cid ka hadashay.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa gelinkii dambe ee maanta gaaray ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
The post Iskahorimaad hubeysan oo goordhow ka dhacay Dhuusamareeb appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Iskahorimaad hubeysan oo goordhow ka dhacay Dhuusamareeb

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.