Itoobiya: ONLF Oo Laga Saarayo Liiska Argigixisada Iyo Cafis Guud Oo La Fidinayo

0
382

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in maanta ay golaha wasiirrda ee Itoobiya gudbiyeen qaraar ururka ONLF looga saarayo liiska kooxadaha argigxisada ah iyo in cafis loo fidiyo kooxo iyo shakhsiyaad horay loogu tuhmay khiyaanno qaran.
Fitsuma Arega oo ah agaasimaha xafiiska ra’isul wasaaraha ayaa bartiisa ku qoray in golaha wasiirrada Itoobiya ay u gudbiyeen baarlamaanka dalkaasi qaraar ONLF iyo kooxo kale looga saarayo liiska argigixisada.
Uruurada la qaadayo xayiraadda waxaa ka mid ah  OLF, ONLF & Ginbot 7, waxaana la sheegayaa in arrintan ay dhiirigelin-doonto xuriyadda dadka iyo inay si nabad ah loo gaari karo hadaf siyaasadeed.

Waxyaabaha baarlamaanka loo diray waxaa kale oo ka mid ah: in la cafiyo shakhsiyaad iyo hey’ado horay loo dhahay waa “Khaa’imiin” kuwaas oo lagu helay ama baaritaan ku socdaan ama xataa dambiyo kale oo dowladda ka dhan ah sida kooxaha hubeysan.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Itoobiya: ONLF Oo Laga Saarayo Liiska Argigixisada Iyo Cafis Guud Oo La Fidinayo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.