Itoobiya Oo Sheegtay In ay Duqeyn Cirka Ah Al-shabaab Uga Dishay 35, oo Ay Saraakiil Ku Jiraan

0
263

Ciidamada cirka Itoobiya ayaa sheegay in ay Al-shabaab u gesyteen duqeyn cirka ah oo socotay 44 daqiiqo, taasi oo ka dhacday Buur Haybe oo 75 km bariga ka xigta Baydhabo.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda gashaandhigga Itoobiya ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay 35 ka tirsan Al-shabaab, duqeynta waxaa ay dhacday 24-ka Janaayo.
Isla qoraalka waxaa lagu sheegay in madaxa howl-gallada Al-shabaab ee aaggaas Abbu Cusmaan iyo nin kale oo aan magaciisa la sheegin oo mas’uul ka ahaa miinooyinka in lagu dilay duqeynta, waxaa la burburiyey 4 gaari militari iyo 5 hubka waa weyn ah.
Goobjoog News




SOURCE: Itoobiya Oo Sheegtay In ay Duqeyn Cirka Ah Al-shabaab Uga Dishay 35, oo Ay Saraakiil Ku Jiraan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.