Itoobiya Oo Sheegtay Iney Dishey 70 Ka Mid Ah Al-shabaab

0
59

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in duqeyn ay ku dishey 70 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab oo qorsheynayey iney weerar ku qaadaan ciidamada dowladdaasi ka socda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.
General Yilma Merdassa oo ah taliyaha ciidamada cirka Itoobiya ayaa u sheegay warbaahinta ka howlgasha dalkiisa, in Al-shabaab xilliga la duqeynayey ay qaadi rabeen duulaan xooggan, balse ay iyagu ka war heleen kadibna ay bartilmaameedsadeen.
Merdassa ma aanu sheegin goorta iyo goobta uu ka dhacay weerarkan, balse wuxuu tilmaamay in ay cagta mariyeen dhammaan xubnihii weerarka soo ahaa.
Itoobiya ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo ka mid ah howlgalka AMISOM, waxaana ku sugan yihiin gobollada dalka qaarkood.
Goobjoog News




SOURCE: Itoobiya Oo Sheegtay Iney Dishey 70 Ka Mid Ah Al-shabaab

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.