Jabuuti oo si xooggan uga hor-timid qodob ka mid ah war-murtiyeedka shirka ka furmay Muqdisho ee OIC

0
297

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa si aad ah uga hor-timid mid ka mid ah qodobada laga soo saarayo shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka dalalka Islaamka, oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.Qodobka ay Jabuuti diidan tahay, oo ah midka sagaalaad, ayaa waxa uu ka hadlkaya isbeddelada siyaasadeed ee ka dhacay gobolka Geeska Afrika, waxaana uu leeyahay “Kulanka waxa uu soo dhoweynayaa isbeddelada wanaagsan ee dhowaan ka dhacay gobolka Geeska Afrika”.Jabuuti ayaa ku doodeysa inaysan jirin sabab isbeddel wanaagsan loogu sheego waxyaabaha ka scda Geeska Afrika, ama xitaa in qodobakaasba lagu soo daro shirka, xilli Eritrea ay weli haysato dhul ay Jabuuti leedahay iyo maxaabiis reer Jabuuti ah.Wada-hadallo laga leeyahay qodobada shirka kasoo baxaya, ayaa ergada Jabuuti waxay ku doodeen in iyagoo xubin rasmi ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, islamarkaana Eritrea ay dhul iyo maxaabiis ka heysto aysan sax aheyn in qodobkaas in lagu soo daro war-murtiyeed-ka.Jabuuti ayaa sidoo kale waxaa la yaab ku noqday, islamarkaana ay codsadeen in la caddeeyo qodobkaas cida wadata ama loogu daneynayo, maadaama Itoobiya iyo Eritrea aysan ka mid aheyn Ururka Iskaashiga Islaamka.Illaa hadda ma cadda sida uu noqon doono war-murtiyeedka kasoo baxaya kulanka, waxaana sidoo kale la ogeyn go’aanka ay qaateen Xogheynta Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, markii ay Jabuuti dood ka keeneen qodobka Is-bedelka Geeska Afrika.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Jabuuti oo si xooggan uga hor-timid qodob ka mid ah war-murtiyeedka shirka ka furmay Muqdisho ee OIC

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.