Jabuuti oo tallaabo adag qaadi rabto kadib markii uu meel xun gaaray khilaafka kala dhaxeeyo DP World

0
316

Jabuuti (Caasimadda Online) – Iyadoo meel xasaasi ah oo uu gaaray Khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Jabuuti iyo shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee loo yaqaan DP World ayaa waxaa soo baxayo warar cusub oo ku saabsan khilaafkaas.
Wada hadal dheer iyo muran badan kadib dowladda Jabuuti ayaa ku qasbanaatay inay magdhow siiso Shirkadda DP World so loo soo afjaro dooda ku aadan heshiiskii ay ka baxday dowladda Jabuuti ee ku saabsanaa maalgashiga Dekada Dooraale.
Magadhowga laga rabo inay bixiso dowladda Jabuuti ayaa laga yaabaa inuu u dhawaado ama uu gaaro ilaa 500 Milyan oo Dollar Mareykanka.
Magdhowgaan ayaa la filayaa inay dowladda Jabuuti bixiso todobaadka soo socdo wuxuuna Abuubakar Cumar Haadi, Guddoomiyaha dekadaha & Maamulka Gobolka ee dalka Jabuuti sheegay inay diidan yihiin in gacan seddexaad ku lug yeelato isfaham dhex mara dowladda Jabuuti iyo Shirkadda DP world.
“Waa inay annaga nala fariistaan, Qaataan Lacagtooda magdhowga ah kadibna ay isaga baxaan dalka Jabuuto oo dhan” ayuu yiri Abuukar oo la hadlayey TV-ga dalka Jabuuti.
Lacagtaan magdhowga ah oo ay bixineyso dowladda Jabuuti ayaa kusoo aadayo xilli Warbixin lagu daabacay bogga arrimaha dhaqaalaha ka faalooda ee Financial Times lagu sheegay in dowladda Jabuuti Todobaadkii lasoo dhaafay ay furmay Wajiga koowaad ee ganacsiga horta ah oo ay ku baxeyso 3.5 bilyan oo ay la galeen dowladda China.
Dowladda Jabuuti ayaa ka baxday heshiis ay horey ula gashay Shirkadda DP Word kaasoo soconayo ilaa 30 Sano waxayna DP Word arrintaas ku tilmaamtay inay tahay mid lagu jabinayo heshiiskaas mudada dheer socon lahaa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Jabuuti oo tallaabo adag qaadi rabto kadib markii uu meel xun gaaray khilaafka kala dhaxeeyo DP World

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.