Janan oo gaaray Kismaayo, Aw Xirsi oo iscasilay

0
98
Janan Iyo Aw Xirsi

Cabdirashiid Xasan Cabdi nuur Janan, Wasiirkii hore ee amniga ee maamulkii hore ee Jubaland ayaa gaaray Magaalada Kismaayo maanta isaga oo baxsad ah.

Ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa Janan xabsiga dhigay 5 billood kahor isaga oo lagu eedeeyey “Dembiyo culus” oo aay ka mid yihiin dad shacab ah oo ku laayay gobolka Gedo oo uu uqaabilsanaa Axmed Madoobe.

Janan ayaa ugu magacownaa wasiirka amniga maamulkii hore ee Jubaland ee uu hoggaaminayey Axmed Madoobe.

Dhanka kale, Adam Aw Xirsi oo  Axmed Madoobe ugu xilsaarnaa ‘wasaaradda qorsheynta iyo cilaaqaadka guud’ ayaa xilkii iska casilay kadib markii uu Cabdirashiid Janan soo gaaray magaalada Kismaayo, isaga oo bartiisa Twitter-ka ku qoray,”Ka bilaabata maanta, waxaan iska casilay booskeeygii ahaa wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo cilaaqaadka guud ee Jubaland”.

Aw Xirsi ayaa intaas ku daray, “Xiskeygu iima ogolaanayo inaan ka mid ahaado maamul udabaal-degaya, hoostana gashanaya eedeysane lagu soo oogay inuu geystay tacadiyo xuquuqul iinsaan”.

Janan iyo Aw Xirsi ayaa kasoo jeeda gobolka Gedo oo kasoo horjeeda maamulka xilku ka dhammaaday ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Maamulka gobolka Gedo ayaa waxaa gacanta ku haya dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya.

Adam Aw Xirsi ayaa ka ayaa dhowrsanayey ka mid ahaanshaha maamulka Axmed Madoobe, kadib markii uu Axmed Madoobe si sharci-darro ah iskugu caleemo saaray magaalada Kismaayo, isaga oo kasoo tagay magaalada Kismaayo saldhigna ka dhigtay magaalada Nairobi.

Madmadoow ayaa soo kala dhexgalay Aw Xirsi iyo maamulka, isaga oo uu Axmed Madoobe ku eedeeyey inuu si hoose ula shaqeynayo dowladda Federaalka Soomaaliya, Tuhunkaan oo yimid kadib markii Aw Xirsi uu si hufan ula shaqeeyey dowladda dhexe iyo siyaasiyiin dhanka dowladda ujanjeera.

Si kastaba ha ahaatee, xurgufta raggaani udhaxeysa ayaa waxaa soo dedejiyey dhaqaale-yari soo wajahday maamulka Axmed Madoobe, kaas oo waayey mashaariix iyo taageero dibaddeed kadib markii dowladda dhexe diiday aqoonsiga maamulka,  iyada oo uu shaqsiba kan kale ku eedeeynayo lunsiga xoolo ummaddeed. Sarkaal ka howlgala madaxtooyadda Axmed Madoobe ayaa Somali Info usheegay in shaqaalaha ‘maamulka’ aaysan qaadan wax muushaar ah ilaa iyo intii uu dib-isku-caleemo saaray Axmed Madoobe,taasina aay keentay in dadka galaangalka leh aay meelo kale shaqo u doontaan. Sarkaalkaan ayaa intaas ku daray in Adam Aw Xirsi lagu eedeeyey in uusan maamulka la wadaagin dhaqaale  lagu helay magaca maamulka intii uu ku sugnaa Nairobi, isaga oo “ku andacooday in isaguba wax dhaqaale ah kasoo gelin Kismaayo”.

Adam Aw Xirsi oo ah siyaasi qunyar socod ah sida uu ku tilmaamay sarkaalka uwaramay Somali Info ayaa laga yaabaa inuu si toos uga dego magaalada Muqdisho in kasta oo aay dowladdu u aragto siyaasi fashilmay.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.