Jarmalka: Wiil Soomaali ah oo aabihiis toorey ku dilay

0
303

Hamburg (Caasimadda Online) – Wiil soomaali ah ayaa aabihiisa waxaa uu ku dilay dalka Jarmalka gaar ahaan magaalada Hamburg.
Wiil Soomaaliyeed oo 17 sano jir ah ayaa Toorey u adeegsaday dilka Aabihiis oo 57 sano jir ahaa sida ay qoreen warbaahinta laga leeyahay dalka Jarmalka.
Wiilkaan ayaa aabihiis la dhacay Toorey kadib markii uu soo kala dhexgalay muran xooggan oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu ka dhashay.
Wiilkaan aabihiis dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Nuur Faarax Xuseen halka aabahiisna lagu magacaabi jiray Nuur Faarax Xuseen.
Madaxa Booliska Magaalada Hamburg oo uu dilka ka dhacay ayaa sheegay inay weli wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen.
Maalmihii dambe waxaa soo badanay dilka ay Soomaalida ka geysanayaan wadamada ay qaxootiga ku yihiin, waxaana horey u dhacay kiisas badan oo noocaan oo kale ah.




SOURCE: Jarmalka: Wiil Soomaali ah oo aabihiis toorey ku dilay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.