Jasiiradda Sumatra Oo Lagu La’yahay 180 Qof

0
351

Ugu yaraan 180 qof ayaa la la’yahay ka dib markii doon dalxiis oo ay saarnaayeen ku maashootay Jasiiradda Sumatra ee cariga Indonesia, sida ay tilmaamayaan tiro koobyo ay sameysay xukuumadda.
Mas’uuliyiinta  Indonesia ayaa sheegay in kooxaha badbaadinta ay ka soo bixiyeen 18 qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa doonta,taasi oo ka sameysneyd Al-waax, waxayna doontaan ay dadka kula maashootay Isniintii la soo dhaafay  badda yar ee loo yaqaanno Lake Toba oo ah badda ugu Moolka dheer badaha dunida.
Madaxda dalkaasi ayaa cabsi ka qaba in doonta yar ee ka sameysan Al-waaxda ay suuro gal tahay weli in ay dad ku dhex jiraan taasi oo ku jirta gudaha badda.
Maashoodka doomaha ayaa ku badan dalka Indonesia, waxayna isticmaalaan dadka doomaha yaryar ee ka sameysan Al-waaxda iyaga oo ugu safra badda si ay u booqdaan maalmaha fasaxa meelaha ay ka soo jeedaan iyo qaraabadooda.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Jasiiradda Sumatra Oo Lagu La’yahay 180 Qof

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.