Jawaari oo jid u bixiyay doodii doorashada qof iyo cod

0
39

Xildhibaan Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, ayaa fadhigii Baarlamaanka ee qabsoomay Sabtidii taariikhdu ahayd Desembar 7dii waxaa uu si qaanuuni ah u sharraxay, una lafoguray cutubka 1aad iyo 2aad ee sharciga doorashooyinka horyaalla Baarlamaanka, waxuuna dooddiisa sixitaanka ku qotomiyay qodobka 47aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Jawaari, oo cuskanaya Dastuurka Federaalka Soomaaliya qodobka 22aad waxuu sheegay in Dastuurka si cad u damaanad qaaday xaqa muwaddinka u leeyahay abuuritaanka, xubin ka noqoshada, iyo xil ka qabashada xisbi siyaasadeed.
Halka qodobka 46aad ee dastuurka faqradiisa 1aad sugayo in talada dalka ay gacanta ugu jirto muwaaddiniinta Soomaaliyeed. “Awoodda xukunka la iskugu talinayo waxay ka bilaabataa kuna dhamaataa shacabka”. Sidoo kale, isla qodobka 46aad farqadiisa 2aad waxuu xaqiijinayaa xaqa muwaddinka u leeyahay inuu tartan u geli karo kuraasta la isku doorto, iyadoo aan lagu samayn wax caqabad ah, oo ka horistaagi karo inuu tartamo. “Nidaamka metelaada waa inuu ahaadaa mid furan, oo fursad u siinayo qof kasta inuu ka qayb galo howlaha dowladda”.
Dhanka kale, Professor Jawaari waxaa uu xusay in Dastuurka Federaalka qodobka 64aad ay ku caddahay cidda soo dooranaysa wakiillada shacabka. “In shacabku si toos ah, qarsoodi ah, oo codayn madaxbannaan ah ku dooranayo wakiillada ku matalaya Golaha Shacabka”. Sidoo kale, qodobka 72aad waxuu dhigayaa in “Shacab kasta dowlad goboleed degaan si toos ah, qarsoodi ah, oo codayn madaxbannaan ah, ku dooranayo wakiillada ku matalaya Aqalka Sare”.
Dhammaan qodobbadani waxay sharci ka dhigayaan in dalka ay ka dhacdo doorasho ay si toos ah ugu doortaan shacabka Soomaaliyeed wakiillada ku matalaya labada aqal. Islamarkaasna muwaddinka doonaya inuu tartamo kuraasta la isku doorto aan lagu faquuqin heybtiisa, marba haddii uu buuxiyo sharuucda xaqa ka mid noqoshada tartamayaasha.
Professor Jawaari ayaa xusay in xulashadii 2012 lagu qabtay caasimadda Muqdisho, tii lagu soo xulanayey xildhibaanada 2da aqal sanadii 2016 la geeyay caasimadaha maamul goboleedyadda. Waxuu talo ku soo jeediyey Xildhibaan Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari maadaama Maamul goboleed kasta garanayo kuraasta laga soo xushay 2016, in kuraastaas ku tartamaan xisbiyada.
Dhanka kale, Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Adan, ayaa rumaysan in nidaamka doorasho ee Xukuumadda soo gudbisay yahay kan ku habboon dalkeenna, waxay tiri ” Nidaamka isku dheelli tiran, iyo liiska xiran, waa nidaamka loogu talaggalay dowladaha burburay, oo dhibaatadu gaartay, sida, Afganistan, Ciraaq, iyo Liberia”.
Marwo Fowsiyo waxay ku doodday in khuburo caalami ah daraasad ay u soo bandhigeen xisbiyadda diiwaangashan, ururada bulshadda rayidka, madaxada maamul goboleedyadda,  iyo baarlamaanka federaalka ku qanceen nidaamka metelaada isku dheeli tiran, iyo liiska xiran, kadib, markii la kala dooransiiyay 12 hab oo loo qabto doorashooyinka caalamka.
Marwo Fowsiyo waxay carabka ku adkaysay, kadib markii si wada oggol ah loo qaatay, in Beesha Caalamka maalgelisay Gudiga Doorashooyinka Qaranka si ay howshooda u gutaan. Waxay intaas ku dartay in muddo 4 sano ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka la dhisayey, si ay u qabtaan doorsho ku dhisan nidaamka isku dheeli tiran, iyo liiska xiran. Xildhibaam Fowsiyo waxay rumaysan tahay, nidaam hor leh oo la qaataa keeni karto dib u dhac hor leh, si fursad ay isku diyaariyaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay u helaan.
Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Adan ayaa xustay hadal uu horey u yiri Madaxweynihii hore Mozambique Mudane Samora Machel “Qaran haddii la rabo inuu horay u socdo, qabyaaladda ayaa la dilaa” waxay ku doodday in qabyaalad ku qaybsiga la dhaafo, maadaama la garanayo tirada xildhibaannada laga soo doortay Maamul goboleed kasta.
Sida dhabtu tahay “Waa xal wanaagsan in doorashada soo socota ay xisbiyada ku tartamaan kuraasta qoondada ay u helaan Maamul goboleedyada doorashadii (xulashada) 2016, ilaa iyo inta tirakoob guud laga samaynayo dalka oo dhan,” sidaas waxaa rumaysan Cigaal Yare oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya.
Balse, waxaad mooddaa markii aad dhagaysatid doodda Baarlamaanka, in xildhibaannada ku kala qaybsan yihiin nooca doorashada, iyagoo isku haya labo fikradood oo kala ah: (B) In la qaato nidaamka metalaadda isku dheelli tirin, iyo liiska xiran (axsaabta), oo ah intii fikrad wadaagta xisbi ha samaystaan; iyo (T) Kan qofka la dooranayo (sida Somaliland), kaas oo xoojinaya qabyaaladda, waana mid iswaafajinaya hannaanka 4.5 iyo nidaamka xisbiyada.
Arrinka xiisaha gaarka ah leh, wuxuu ahaa in Professor Jawaari uu soo hadal qaaday muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka. Sida uu qabo qodobka 60aad, farqaddiisa 1aad “Muddada xil haynta madal kasta laanta sharci dajinta la dooranayo waa 4 sano, oo ka bilaabata taariikhda lagu dhawaaqo natiijada doorashada, waxayna ku egtahay markii la dhiso Baarlamaankii beddeli lahaa, si waafaqsan sharciga Lr.20 ee 27ka June 2016, kuna lifaaqan wax ka beddelka lagu sameeyey Qodobka 60aad ee Dastuurka laguna kordhiyay farqada 3aad”.
Xildhibaan Jawaari, ayaa carrabka ku adkeeyay si aysan u dhicin marnaan (vacuum) xagga maamulka Xukuumadda, maadaama siyaasadda Soomaaliya aysan sal fadhiya lehayn ay muhiim noqotay in Baarlamaankii 9aad, ansixiyay in Baarlamaanka Federaalka uu jiro ilaa la helo kii beddeli lahaa.
Waxuu tusaale u soo qaatay in Baarlamaankii 9aad xil hayntiisa ku ekayd August 2016 balse uu shaqaynayey ilaa iyo December 27, 2016, oo ahayd xilligii la doortay Baarlamaanka 10aad.
Dhanka kale, siyaasiyiin badan waxay ku eedayeen Xukuumadda hadda jirta inay doonayso muddo kororsi, haddaba siyaasiyiinta mucaaradka ah miyaysan ogayn in Baarlamaanka 9aad ansixiyay sharci Lr. 20 ee 27ka June 2016, kadib markii goluhu uu darsay jahawareerka siyaasadda Soomaaliya.
Professor Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, waxaa uu ku amaanay Baarlamaanka 9aad, inay curiyeen sharciga axsaabta, iyo kan lagu dhisay Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka, kaddib markii ay ka cagajiidday dowladdii Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud.
Geesta kale, Xildhibaan Jawaari waxaa uu fursad u arkaa sharciga doorashooyinka horyaalla baarlamaanka, maadaama xukuumadda ay iska soo gudbisay (Jamhuriyadda – April 3, 2019).
Soo tebinta warbaahinta doodaha Baarlamaanka waxay ina tusaysaa tayada xildhibaannada nagu matala Baarlamaanka.
Balse waxaa muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed uu u istaago xuquuqdiisa, gaar ahaan, ​haweenka iyo dhallinyaradda, oo lagu qiyaasay inay wadarta guud ee dadweynaha ka yihiin 75% (Jamhuriyadda – April 24, 2019).
Waxaa hubanti ah, haddii aysan dhallinyaradda Soomaaliyeed ku midoobin danta guud, islamarkaasina qayb aysan ka noqon hanaan doorasho oo lagu tirtirayo siyaasadda qabyaaladaysan, ay wajihi doonaan colaado sokeeye, barakac iyo saboolnimo. Ayna marqaati u noqon doonaan dhaxalwareegoodda. Xigmad Soomaaliyeed ayaa odhanaysa “Raq walba waa ku rageedda”.
W/Q: Saciid Cabdisalaam
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid




SOURCE: Jawaari oo jid u bixiyay doodii doorashada qof iyo cod

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.