Jay Bahadur oo shaaciyey laba sabab oo Al-Shabaab ay u weerareen saldhigga Manda Bay.

0
370

Nairobi (Caasimadda Online) – Al-Shabaab ayaa Axaddii weerar culus ku qaaday saldhigga ay adeegsadaan ciidamada Kenya iyo kuwa Maraykanka oo ku yalala gobolka LAMU.
Weerarkan waxaa ku dhintay askari Maraykan ah iyo laba qandaraaslayaal ah. Dawladda Kenya weli ma shaacin waxyeellada dhinacooda soo gaadhay.
Waxaa kaloo halkaasi ku dhintay shan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab sida ay sheegtay Dowladda Kenya inkastoo aysan weli Al-Shabaab ka hadlin haddii dagaalyahano laga dilay
Haddaba Jay Bahadur oo ah Xiriiriyihii hore ee Guddiga Khubarada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ku sugan Kenya ayaa shaaciyey laba sabab oo keentay inay Al-Shabaab weeraraan Saldhigga Mareykanka ee Lamu isagoo wareysi siiyey Idaacadda VOA.
Midda koowaad ayuu ku sheegay inay tahay Dowladda Mareykanka oo kor u qaaday duqeymaha ay la beegsato xarumaha Al-Shabaab tan iyo markii uu xilka madaxweynimo ee Mareykanka qabtay Trump isla markaasna awoodda go’aan gaarista la gaarsiiyey ilaa saraakiisha hoose.
Midda Labaad ayuu ku sheegay inay tahay Al-Shabaab oo ku fashilmay weerarkii ay ku qaaday September Saldhigga garoonka Diyaaradaha Balidoogle kaasoo uu ku sheegay inay ku fashilmatay ayna hadda dooneysay inay jabkaas kasoo kabato.
Mar wax laga waydiiyey haddii Dowladda Mareykanka ay ka aargudan doonto Al-Shabaab ayuu sheegay inay Mareykanka mar kasta u qorsheysan tahay inay weeraro la beegsadaan madaxda Al-Shabaab iyo goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyadooda.
Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran


 




SOURCE: Jay Bahadur oo shaaciyey laba sabab oo Al-Shabaab ay u weerareen saldhigga Manda Bay.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.