Jeesow oo shaaciyey sabab aan looga adkaan karin Shabaabka Xamar + Cod

0
273

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanadda baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxyada mudooyinkii dambe kusoo batay Muqdisho oo ay geysanayaan Al-Shabaab.Jeesow oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Shabaab ay dadka ku dhex dhuuntaan, islamarkaana ciidamadda ammaanka dowladda Soomaaliya aysan ogaan karin cida Shabaabka ah iyo cida aan aheyn.Sidoo kale waxa uu sheegay in kontoroolka ay ku sugan yihiin Ciidamadda dowladda ay waqti walba maraan ragga ka tirsan Shabaab, balse aan la ogaan karin Shabaabka halkaas maraya.“Sida ay ku badbaadi karaan shacabka ayaa ah, kii ganacsade ah, kii  guri leh, kan garaashka leh, kan wadada maraya in ay soo sheegaan ragga Shabaab ka tirsan. Shabaab dadka ayay ku dhex jiraan, Kontorooladda ayay maraan, si ay usii jirto dowladdnimadda Soomaaliya, waa in hal meel loogu soo wada jeestaan ragga ka tirsan Shabaab” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.Hadalka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa imaanaya xili todobaadkaan laba qarax ay ka dhaceen xarunta tiyaatarka, iyo taalladda Daljirka Daahsoon ee magaaladda Muqisho, waxana ku dhintay 23-qof oo shacab iyo ciidamo isugu jirey.Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadan.Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Jeesow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/cod-xilibaan-jeesoow.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Jeesow oo shaaciyey sabab aan looga adkaan karin Shabaabka Xamar + Cod

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.