Jibbada isbeddeldoon ee Bariga Afrika

0
111

Transformation Euphoria in the Horn of Africa

By Abukar Arman

Waxaa tarjumay Maxamed Saahid.

Abuukar Carmaan ayaa falanqayn dhammaystiran ka bixinaya xaaladda sida xawliga ah isu beddeleysa ayadoo isbeddel siyaasadeed oo ku socda dardar aan horay loo arag uu ka dhacayo Geeska Afrika.

Isbeddelka siyaasadeed ee Geeska Africa ayaa lagu doodi karaa in uu yahay dhacdada ugu lamafilaansan qarnigan 21aad ilaa iyo hadda. Itoobiya waxay ka weecatay dumitaan waxayna, markii ugu horreysey taariikhdeeda, dooratay RW Oromo ah oo leh magac iyo dhaxal Muslim, arrintaasoo dhammaysay khilaafkii 20-ka sano jiitamayey ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Eratiriya. Haseyeeshee, Abiy Axmed, Raysal Wasaaraha la jecelyahay ee ka soo shaqeeyey laanta sirdoonka, weli saldhig xooggan iyo iskuduubni gudaha ah kama uusan helin qalab siyaasadeedka qoddada dheer ee isirku uu ku gacansarreeyo. Rabshadaha beegsanaya isirka ee teelteelka ah ee ka hulaaqaya Oromia iyo gobolka saliidda badan ee Soomaalida waa hordhac digniin ah.

Guushaan weyn ee istaratiijiga ah iyo horumarka nabadeed iyo dhaqaale ee ay keeneyso midna lama sahlan karo. Waxaa kaloo aan la sahlan karin qiimaha xoroobidda nafsiyadeed iyo dareen ee ka dhalatay heshiiska nabadeed ee dib isugu xiray qoysaska iyo saaxiibbada kala abaadey. Ayadoo ay sidaas tahay, dhanka istiratiijiyadda ama siyaasadda, waa nacasnimo in aan la is weydiin awoodda riixaysa arrintaan, isbeddellada waaweyn ee ka dhalanaya iyo saameynta kaga imaanaysa dal walba iyo gobalkaba.

Ilaa hadda, waxa aannu haynnaaba waa codad lalis ah oo ay weheliyaan alalaasyo burur [ah]. Wax badani kama cadda muuqaalka dhabta ah: waa ciddee iyo maxay awoodda riixaysa, muxuuna yahay degdeggaan aan horay loo arag? Haddii qof uu gaariga ku wado rootada dhaafidda (fast-lane), aad bay muhiim u tahay in gacmaha lagu hayo isteerinka indhahana waddada.

Sida caadiga ah, xagga siyaasadda ma jiraan wax la yiraahdo isbeddello iska dhaca; siiba kuwo dhex mara labo cadow oo aan la is tusin, welibana taasi waxay sii hubban tahay marka laga eego dhanka siyaasadda juquraafiga. Tartannada istiratiijiga ah ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha oo dhinac ah iyo Sacuudi/Imaaraad iyo Turki/Qadar oo dhanka kale ah ayaa sii hurinayey xiisadaha haddiiba aysan shidaalinayn khilaafyo kala duwan.

Haddaba dareenka guud ayaa yeerinaya in ‘wax walba in la iska aamino’ (leap of faith) xaaladaha noocaan oo kale ah aysan noqon karin ikhtiyaarka ugu wanaagsan.

Kulankii Abiy Axmad iyo Aseyaas Afawerki iyo saxiixiddii Baaqa Nabadda iyo Saaxiibtinnimada © Yemane Gebremeskel 2018 via Wikimedia Commons

Mareykanka waxaa Jabbuuti ka sii riixanaya dawladda uu tartanka juquraafi siyaasadeedku kala dhexeeyo ee Shiinaha maamulka Taraamna weli ma uusan soo bandhigin siyaasad isku duwan oo ku wajahan Geeska [Afrika]. Isla markaasna, dawladda Shiinuhu waxay dhisaysaa saldhiggeedii koobaad ee dibadda ah si ay u muujiso awooddeeda ciidan ee abid kordhaysa. Shiinuhu jaa si fiican ayay u diyaarsan yihiin dhanka ganacsiga iyo horumarka guud ahaanba Afrika. Hannaanka taageerada siyaasadeed iyo kaabayaal ee barnaamijkeeda cusub ee Silk Road waa wax jaa hirgalay iyo wax hadda socda. Inkastoo ay ku leedahay in ka badan 800 oo xarumood in ka badan 70 dal, isballaarinta Shiinaha ee gobalka, iyo dhabtii Africa, ayaa ku haysa Mareykanka wax aan ku tilmaami lahaa ‘diidmo’ istiratiiji ah (strategic vertigo).

AFRICOM ayaa weli ah Waaxda Arrimaha Dibadda ee sabbaynaysa taasoo masuul ka ah ilaalinta danaha Mareykanka ee gobalka ayadoo weli ay joogaan isla waardiyeyaashii hore – Itoobiya oo qaabilsan gorgortanka siyaasadda iyo Erik Prince (Blackwater) iyo xulafadiisa oo ayagoo adeegsanaya shirkadda Imaaraadka ee DP World u qaybsan in laga dhuunto dhammaanba arrimaha ay ujeeddadoodu tahay baaritaanka iyo islaxisaabtanka. Arrintaan ayaa muuqaal ka bixinaysa sida dal yar oo Gacanka [Carabta] ku yaalla uu ku noqday xubin muhiim ah oo loo soo maro dib-u-naqshadeynta siyaasadda juquraafi ee Jasiiradda Carabta iyo Geeska Afrika.

Marka laga yimaado sheekada guusha dhanka ganacsiga caalamiga ah ee ay ku faanto, daruuro shaki ah ayaa weli dul hoganaya shirkaddan dedan ee wejiyada badan ee ka shaqaysa badaha. Khataraha waaweyn ee dhinaca amniga iyo sirdoonka ee lala xiriiriyo shirkaddan iyo mulkiilaheeda Erik Prince iyo saaxiibbadeeda [ka shaqeeya] ciidammada gaarka ah ayaa ahayd mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee sanadkii 2006 ay Kongareeska Mareykanku u diideen heshiis ay DP World ku doonaysey in ay kula wareegto maamulka lix dekadood oo Mareykanku leeyahay, walow ay taageerto dadka saameynta leh ee ka tirsan muxaafadiinta cusub iyo Madaxweyne-Ku-Xigeen Dick Cheney.

Marka laga yimaado ganacsiga uu qiimihiisu gaarayo $700 bilyan ee sannad walba Bab al-Mandab uga kala gudba Yurub iyo Aasiya, Midowga Yurub waxaa ka go’an in ay xakameeyaan dadka ka firxanaya Afrika ayagoo dhiirrigelin iyo maalgelin ku samaynaya waxa lagu sheego isdhexgalka gobolka si loo hormariyo ganacsiga, amniga iyo maamul wanaagga. Itoobiya ayaa loo wadaa in ay noqoto dalka gundhigga ah halka ay IGAD sii ahaanayso hay’adda dusha ka ilaalisa ayadoo beesha caalamkuna ay taageerayso. Shaxda Geeska ayaa dabadeed lagu sii ballaarin karaa qaaradda oo dhan. Waxaa jira hal digniin oo yar: Turki maya, Qadar maya, tan ugu daranna, Shiine (China) maya.

Tan iyo markii uu qarxay murankii ka dhex dhashay Golaha Iskaashiga Khaliijka ee keenay in Qadar la go’doomiyo wax ka badan hal sano ka hor, siyaasadda iyo amniga Geeska midkoodna sidiisii ma ahayn. Tani siiba waxay gaar ku tahay Soomaaliya, oo ah halka ay iska jaraan danaha loollamaya ee siyaasadda juquraafi ee Imaaraadka iyo Sacuudiga oo dhinac ah iyo Turki iyo Qadar oo dhanka kale ah. Inkastoo tartammo kale oo aan natiijo lahayn ay ka socdaan Soomaaliya, haddana ma jiro mid siyaasadda kaladaadsan ee gudaha looga yaqaanno siyaasadda kala fur-furka soo geliyay lacag ka badan tan ay soo geliyeen boqortooyooyinka Khaliijku.

General Anwar Eshki waa Guddoomiyaha Xarunta Bariga Dhexe e Barashada Istiratiijiyadda iyo Sharciga waana lataliye ku dhow Dhaxalsuge Maxamed Binu Salmaan. Waa ninkii hindisay khayaanada istiraatijiga ah ee Sacuudiga ee keentay dagaalka dhiigga badan ee Yemen, caadiyeynta xiriirka ay la leeyihiin Yuhuudda ayadoo uu socdo xasuuqa isdabajoogga ah ee dadka Falastiin, iyo siyaasadda lagu fududaynayo in Itoobiya ay qabsato Soomaaliya.

Khudbad uu ka jeediyay Golaha Xiriirrada Shisheeye (Council on Foreign Relations), Jananku wuxuu mar dhawayd ku hantaatacay “In Geeska Afrika asagoo midaysan la hoosgeeyo Itoobiya” iyo in Geeska iyo Jasiiradda Carabta la iskula xiro Buundada Al-Nuur “in la isku xiro magaalada Al-Nuur ee Jabbuuti iyo magaalada Al-Nuur ee Yemen”. Jeneraalku wuxuu dadkii dhegaysanayay u caddeeyay in uu ku hadlo Ingiriis laakiin la faray, sida uu jeclaa beddelkeeda, in uu khudbaddiisa ku gudbiyo af Carabi sidaasna uu ugu akhriyo dadka dhegaysanaya. Haddaba jananku ma wuxuu akhrinayay nuqulka qabyada koobaad ee siyaasadda istaratijiyadeed ee Sacuudigu uu ku wajahayo gobalka mise wuxuu u laabqaboojinayay saaxiibbada kale?

Markii, bartamihii Juun uu Maxamed Bin Zaayed bookhday Itoobiya, Sanduuqa Abu Dhabi ee Hormarintu waxaa uu $3.7 bilyan ku shubay Bangiga Qaranka ee Itoobiya – waa caddad le’eg maalgashiga Turkiga ee Itoobiya. Maalintii ka danbeysey, Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa u duulay Muqdisho. Wax aan ka badnayn saddex saacadood gudahood, iyo asagoo aan ka bixin xayndaabka garoonka diyaaradaha, ayuu Raysal Wasaaruhu la saxiixday heshiis Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo halkaas oo uu guul taariikhi ah ugu hantay Itoobiya iyo macmiilkeeda daaha gadaashiisa taagan – waa afar ka mid ah kuwa ugu istiraatiijisan dekadaha Soomaaliya ee Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Marbana haddii uu kaashku boqor yahay, ma ay ahayn wax aad u adag in Imaaraadku ay tiro dekado ah ka helaan Soomaaliya, Eratiriya iyo Suudaan. [Saxitaan: Abiy Axmed wuu ka baxay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Madaxtooyada Soomaaliya ayay asaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya shir jaraa’id ku wada qabteen.]

Bishii xigtay, Raysal Wasaaraha cusub waxaa uu bookhday Casmara si uu ula kulmo madaxweynaha Eratiriya Isaias Afwerki. Isla maalintaasba, labadii cadow ee aan la is tusi jirin waxay saxiixeen heshiis nabadeed oo soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadda, ballanqaadayna in si dhakhso ah dib loogu bilaabo adeegyada duullimaad iyo isticmaalka Itoobiya ee dekadaha Eratiriya.

Todobaadyo gudahood, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka degey Eratiriya sii uu ula kulmo Madaxweyne Isaias uuna u soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Eratiriya. Si innaba lamafilaan ah, ‘Kuuriyadii Waqooyi ee Afrika’ waxay noqotay meesha ugu caarran dhanka safarrada. Inta harsan dawladaha xubnaha ka ah IGAD waxay saf ugu jiraan in ay muujiyaan qaddarintooda, inkastoo ay jirto xaqiiqada ah in Eratiriya ay weli saaran yihiin cunaqabataymo. Si xiiso leh, wax aad moodaysay tillaabo jaantaarogan ah iyo weliba dabool siyaasadeed la soo maleegay oo lagu dedayo Itoobiya ⚊ waa dalkii beenabuurka baaxadda weyn ku hoggaaminayay cunaqabataymaha saaran Eratiriya ⚊ Madaxweyne Farmaajo wuxuu ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay in ay qaadaan cunaqabataymaha. Arrintani ma aha kaliya in ay si daran uga nixisay Jabbuuti, ee waxay sidoo kale dhalisay canbaarayn xooggan oo gudaha ka qabsatay madaxweyne ay sumcaddiisu sii daciifayso iyo xukuumad loo arko in ay tahay qalab siyaasadeed lagu fushado mashaariic kala duwan oo caalami ah.

Tan iyo wixii ka danbeeyay Gugii Carabta, Sacuudiga iyo Midowga Imaaradaha Carabtu waxay si mutuxan uga shaqaynayeen hindise istiraatiiji ah oo ujeeddadiisu ay tahay in la xakameeyo dhammaanba noocyada saamaynta Muslimiinta Walaaloobay (Muslim Brotherhood) ayadoo sababtu ay tahay awoodda bulsho iyo siyaasadeeed ee ay Muslimiinta Walaaloobay ku leeyihiin fagaarayaasha taasoo ka soo burqanaysa adeegyada bulshada ee asaasiga ah. Boqortooyooyinka Gacanku waxay ururkaas iyo xoogaysiga siyaasadeed ee Turkiga iyo saamaytiisa dhanka Bariga Dhexe iyo arrimaha Islaamkaba u arkaan khatarta ugu weyn ee ku soo wajahan xukunkooda cimriga ku dheerarsan.

Haddaba isla markii uu Turkigu daahfuray olole insaannimo iyo horumarineed oo ballaaran sannadkii 2011 ayna bilaabeen in ay saaxiibtinnimo istaraatiiji ah la samaystaan Soomaaliya, dalka Imaaraadaha Midoobay ee Carabta ayaa fagaaraha la soo galay wax ay dad badani u arkayeen dedaal lagu doonayo in lagu burburiyo sumcadda cusub ee uu Tuurkigu dhawaan ka dhex samaystay Soomaaliya. Imaaraadku waxay Muqdisho ka furteen safaaradda labaad ee ugu weyn marka laga soo tago midda Turkiga. Waxay kaloo fureen Isbitaalka Sheikh Zayed si ay ula tartamaan Isbitaalka Erdogan. Markii Turkigu ay bilaabaleen inay bixiyaan deeqo waxbarasho oo lagu tababbarayo saraakiisha ciidammadana, Imaaraadku waxay fangaraynayeen kooxo calooshood-u-shaqaysteyaal ah oo ku jiray hawlgallo kala duwan oo qarsoodi ah, waxayna tababbareen koox uu muran hareeyay oo ka tirsan millatariga Soomaaliya taasoo ay mar dhawayd kala direen hubkiina ay kaga tageen ayadoo istoorrada laga bililiqaysanayo.

Turkigu, Qadarba saaxiib ha la ahaadee, aslanba wuu ka duwan yahay [Imaaraadka]. Waqti uu socday olole muran badan oo lagu xallinayay xiisad siyaasadeed oo gudaha ah, ayay Turkigu ka faa’iideysteen xiriirka dhow ee ay la leeyihiin dawladda Soomaaliya si xididdada loogu siibo dhammaan ha’adaha iyo shakhsiyaadka xiriirka la leh dhaqdhaqaaqa Gulen. Inkastoo ay tani jirto, Turkigu weli waa cabbirka dahabiga ah ee dawlad-dhisidda iyo horumarinta labogeesoodka ah. Guulaheeda la taaban karo iyo siyaasaddeeda ku dhisan farogalin-la’aanta arrimaha gudaha ee Soomaaliya [dartood], naqshadda Turkigu waxay daaha ka rogtay in nidaamka gargaarka ee caalamiga ah uu yahay musuqmaasuq iyo sun siyaasadeed. Inkastoo horraantii Qadar ay la timid biloow muran badan oo canjilayey midka Midowga Imaaraadka Carabta, haddana ugu danbayn waxay u biyoshubatay inay iska keenkeento naqshadda Turkiga [oo kale] oo ay maalingaliso dhisitaan waddooyin iyo kaabayaal kale.

Inkastoo ay jiraan isbeddelladaan oo dhan, Itoobiya waxay leedahay “dano aad u badan oo iskhilaafsan oo danaha muhiimka ah ee Mareykanka uga xaglin kara” dhinaca Shiinaha, kaas oo ay Itoobiya dhaqaale ahaan isku xiran yihiin. Ma dhici kartaa in Abiy uu noqdo qofkii looga gudbi lahaa Shiinaha iyo Turkiga, oo labaduba maalgashi balaayiin doollar ah gashaday Itoobiya? Wax walba oo muujin kara in uu meesha u joogo in uu “miraha guntiga ku jira u sayriyo kuwa geedka saaran” waxay ka horkeeni karaan nidaamkii hore golkana waxay galin karaan saamayn dibudhac oo taxane ah (domino effect of regression). Haddii aysan taasi ku filnayn inay sababto walaac, Soomaaliya, Jabbuuti iyo ilaa xad Eratiriya mid waliba waxay leedahay khilaafkeeda daneed.

Si garoonka loo sallaxo la isagana waardiyeeyo siyaadda juquraafi ee iskudulnoolaanta (prasitical geopolitics), Soomaaliya waa in ay dalbato in ay baxaan dhammaan ciidammada Itoobiya iyo Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo weliba kuwa sharcidarrada ku jooga gobollo kala duwan oo dhulka Soomaaliya ka mid ah. Iyo in UNSOM, ilaaliyaha dedan ee danaha Soma Oil and Gas, ay xiraan dukaanka.

Eratiriya ayaduna dhankeeda waa in ay dalbato wax beddela IGAD ⚊ hay’ad goboleed lagu dhiso wadaxaajood cusub taas oo siinaysa codad siman dhammaan xubnaha ku jira xarunteeduna ay tahay meel ka baxsan Itoobiya.

Geeska Afrika waa suuq soo baxaya (emerging market) oo leh lixaad dhaqaale oo weyn. Laakiin si lixaadkaas loogu rogo guul dhaqaale iyo xasillooni raagta, hiddidiileyaasha hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, ganacsi, maskaxeed iyo bulsho ee gobalku waa in ay isku duubmaan: ma jiro xoog shisheeye ama isbahaysi daneed oo taas keeni kara.

Sidaas darteed, dadka Geesku waa in aysan maxbuus u sii ahaanin cadaawadahooda taariikhiga ah ama aragtiyaha gaagaaban iyo hammiyada xunxun ee hoggaamiyeyaashooda siyaasadeed. Waa waqtigii ay ahayd in kor loo baxo, laakiin aan la iska boodin. Dal kasta waa in uu marka hore soo xalliyo caqabadahiisa gudaha oo uu qudhiisu is waafaqo.

Dal waliba waa in uu ku soo biiro waxa lagu sheegay wadaxaajoodka isdhexgalka gobalka asagoo xor ah oo nadiif ah.

Markii hore waxaa lagu faafiyey

Transformation Euphoria in the Horn of Africa






SOURCE: Jibbada isbeddeldoon ee Bariga Afrika

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.