JUBALAND oo jawaab kulul ka bixisay go’aankii kasoo baxay dowlada federaalka

0
205

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaarada arrimaha gudaha ee Jubbaland ayaa warsaxafadeed kaga jawaabtey war saxaafadeedkii xaley ay soo saartey wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, taasi oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka dowlad Goboleedyada dalka.Waxaana Maamulka Jubaland noqonaa Maamulkii Sadexaad ee ka horyimaada waxaa horay sharcigaan Gaashaanka ugu duruuray Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.Jubaland waxay sheegtay in habraaca ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya uu si cad uga hor-imanayo dastuurka dalka Soomaaliya, sidaas darteedna aysan marnaba aqbaleyn.Jubaland ayaa ah maamulka ugu horreeya ee dhowaan doorasho ay ka dhaceyso waxayna marar badan ka digtay faro-gelin ay sheegtay in dowladda federaalka ay ku hayso arrimaha maamulkaas.Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Jubaland




SOURCE: JUBALAND oo jawaab kulul ka bixisay go’aankii kasoo baxay dowlada federaalka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.