Jubaland waxay u baahan tahay IS-BEDDEL iyo in la sameeyo afar arrimood

0
282

Sida muuqato waxaa curtay isbadal iyo taariikh  ka guurid, geedigguna wuxuu marayaa in lasoo gunaanudo koox danleey ahayd dantoodunna ku fadhidday inay minjo xaabiyaan dowladnimadda Soomaaliya ayagoo u adeegaayo dowladdo shisheeyo una dhaqmaayo hanaan ka duwan hogaanka ay ku magacaaban yihiin.Jubbaland oo ah halka ugu barwaaqaysan dalka Soomaaliya guud ahaantiis maanta waxay mudnaan u heshay niman dadkeedi gaajo u dilay deegaankeedina xaalufiyay waxaanse qirayaaa in kuwa sidaas u galay Jubbaland ay yihiin kuwo gabalkoodi dhacay, dadka Jubbaland-na waa kuwo ay ka go’antahay hirgalinta rabitaankooda oo kusalaysan isbadal aqooneed oo wax tarro dadka iyo deeggaankaba.Waxaanse rabbaa inaan halkaan ka caddeeyo su’aal la xiriirto Hogaamiye noocee ah ayay u baahan tahay Jubbaland?Jawaabta weydiintaas haddaan is dul taago waxay Jubbaland u baahantahay hogaamiye aqoon iyo waayo-aragnimo Maamul leh si dhowna ola socdo tacadiggii iyo dhibaatooyinkii loo gaystay dadka reer Jubbaland, sixi karana qalladaadkii Maamul iyo  marin habaabintii habka matalaada dadka reer Jubbaland oo noqon karo caqabad sixiddeeda ay u baahnaan karto aqoon durugsan & khibrad maamul,  ummana baahno Jubbaland nin leh danno shaqsiyadeed khibraddiisuna tahay xaalufinta dhirta iyo dadka oo la warjeefo.Haddabo si loo helo hogaamiye kasoo bixi karo shaqaddiisa dadkana iskusoo dumi karo waxaan soo jeedinayaa in lagu dhaqaaaqo qodobaddaan soo socdo:1 – In marka hore la saxo qaladaadkii dhanka Maamulka ahaa dib u eegisna lagu sameeyo habraaca awood qaybsiga oo aan si saxan loo maareyn.2 – In la helo dad maan iyo maskaxba galiyo siddii looga gudbi lahaa waxyeellada aqoon xummadu keentay ee Jubbaland maganta u ahayd 7 sano ee Axmed Madoobe iyo kooxdiisa ay xooga ku haysteen.3 – In doorashadda Jubbaland ka hor la qabto shir weyne dib u heshiisiin si hogaamiyaha imaanaayo uusan qabad ola kulmin.4 – In dhalinyarada iyo dadka Maskaxda furan ee leh aqoonta la siiyo fursad ay deeggaanka ku hogaamin karaan si ay meesha oga baxda caabuqa iyo boogta hogaamineed ee maamulka Axmed Madoobe.Ugu danbeyntii waxaan soo jeedinayaa in laga sii shaqeeyo hadda siddii looga tilaabsan lahaa  loogana gudbi lahaa caqabaddaha jiro iyo waxyeelladda ku imaan karto hogaamiyaha cusub ee badallaayo maamulka dadkiisi dhibaateeyay ee Axmed Madoobe.W/Q: Maxamed Xasan HaliilAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid




SOURCE: Jubaland waxay u baahan tahay IS-BEDDEL iyo in la sameeyo afar arrimood

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.