Jubbaland oo bilowday tallaabo ka dhan ah dowladda Somalia

0
158

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland ayaa heegan buuxa la geliyey, kadib go’aankii uu maamulkaasi xiriirka ugu jaray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.Wasiirka waarfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland Injiner Cabdi Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in dhammaan in ciidamada maamulkaasi ay u diyaar garoobeen ka hortaga falal uu sheegay inay maleegayaan cadowga Jubbaland.Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in si weyn loo adkeeyey amniga magaallo Xeebeedka Kismaayo  ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.Injineer Cabdi Xuseen ayaa carabka ku adkeeyey in go’aankoodii ahaa in xubnaha dowladda aysan tagi karin deegaanada maamulkaasi uu weli sidiisii yahay, islamarkaana ay dhaqan gelin doonaan, inta ay ka dhaceyso doorashada dowlad goboleedka Jubbaland.Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallo uu doonayo Axmed Madoobe inuu kaga hor imaado dowladda Soomaaliya oo isku dayeyso inay meesha ka saarto, si uu isbedal uga dhaco halkaasi.Doorashada Madaxweynaha iyo mida Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhici doonto bisha soo socota Augusto, lamana oga tallaabada xigta ee ay qaadi do0nto dowladda dhexe, maadaama Axmed Madoobe uu ka qaatay go’aan culus.Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com




SOURCE: Jubbaland oo bilowday tallaabo ka dhan ah dowladda Somalia

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.