JULEN LOPETEGUI”XULKAYGA SPAIN HAL SABAB WAA WAY UGU SHARAXAN YIHIIN HANASHADA KOOBKA ADUUNKA.

0
219

Tababaraha Xulka Qaranka Sapian julen lopetegui ayaa waxaa markii ugu horaysay uu ka hadlay sheekooyinka ku aadan in xulkiisa qaranka Spain ay u sharaxan yihiin Hanashada koobka Aduunka oo dhawaan si rasmi ah uga bilaaban doono Dalka Rusia.

Mr. lopetegui oo waraysi gaar ah siiyay wargayska Marca ayaa waxaa uu sheegay”Ma ahan wax Dalladeena ah,ama aan kula dagaalayo cid kale,Sababtoo ah waxay sheegaan,Hal Shey ama Mid kale,Waana inaan Aqbalnaa Dabeecad ahaan,Anagoon Is waalin.

Tababarahan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaa ku adaray”Waan fahan sanahay koobka aduunka iyo Doorka ay ka ciyaarayso Saxaafada,waxay ka hadlaan musharaxiinta ugu cad cad,waxa ugu muhiimsan ayaa ah in mar waliba aad xaaladaada ku dhex muujiso gudaha garoonka,waan aqbalaynaa waxa ay yiraahdaan Saxaafadda,Balse Nagama Caawinayso,inaan guulaysano,sababtoo ah waxa aan samayno ayaa na caawin doona.

51 jirkaan ayaa waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday arimo kale oo xasaasi ah oo la xiriira kooba aduunka”Tartameyaashu waa ay fiicnaayeen,ma jiro xul aan wanaagsanayn oo qayb ka ah koobka aduunka,kulan kastaa oo ka tirsan koobka aduunka waa mid aad u adag,sababtoo ah nidaamka Tartanka ayaan kuu ogolaan doonin inaan Khaladaad buuxa samayso,ma ahan waxa aynu ka hadlayno Horyaal,waxaad noqon kartaa mid ka sareeya,laakiin hadii aadan ku guulaysan,tani waa xaqiiqda ku hoos duugan koobka aduunka iyo Champions Leage.

Ugu dambayn julen lopetegui ayaa waxaa uu soo hadal qaaday qaar kamid ah xidigahiisa iyo marxaladaha ay ku sugan yihiin isaga oo si gaar ah usoo qaatay Andres Iniesta”Shaki kama qabo in uu diirada saarayo Ujeedka iyadoo aan loo eegin tayadiisa,waxa uu leeyahay sidoo kale Awood Hoggaamineed.

Iniesta ayaa dhawaan waxaa uu ku biiray koox ka dhisan dalka japan hase ahaaatee macalinkaan ayaa waxaa uu rajo badan ka qabaa in uu halkaasi kasii wadan doono xidigaasi Bandhiggiisa wanaagsan.

Xulka Spain inta badan warbaahinada wax ka qora arimaha Sport-iga ayaa waxaa ay si wayn ugu saadaalinayaan in ay ku guulaysan karaan Xili Ciyaareedkan 2018 oo lagu qabanayo Dalka Rusia.

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.