JURGEN KLOPP OO KA WAR BIXIYAY DHAAWACA MAXAMED SALAAX MUDO INTEE LA’EG AYUU GAROOMADA KA MAQNAAN DOONAA?

2
115

Ciyaartii Finalka ahayd ee dhex martay Livevpool iyo Real Madrid ayaa waxaa ay si gaar ah murugo ugu lahayd kooxda Reds maadaama Weeryahankoodii mucjisada ahaa isagoo dhaawac qaba laga saaray Garoonka.

Macalinka kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa waxaa uu si kooban uga hadlay xaalada dhaawaca xidigiisa dhinaca weerarka uga ciyaara waxaana uu sheegay in Maxamed Saalax uu Qabo dhaawac Halis ah.

“Dhaawaca waa mid halis u ah Maxamed Saalax haatan waxaa uu aaday dhaqtarka si baaritaan loogu sameeyo.

“Dhaawacu waxaa uu u muuqdaa mid halis ah balse waxa aan ka war dhowraynaa Natiijada Baaritaanka.

Waxaa si wayn u muuqanaysa in xidigan uu qabo dhaawac aad u xoogan oo uu u baahnaan doono soo kabasho dhab ah.

Dhinaca kale xiriirka kubada cagta Egypt ayaa waxaa uu soo saaray warbixin horu dhac ah oo ay uga faaloonayaan heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca Xidigooda Maxamed Saalax.

Waxaana ay sheegeen in ay suuro gal tahay in uu garoomada ka maqnaado Ciyaaryahkooda 2 ilaa 3 Todobaad.

Waa arin kale oo murugo kusii abuuri karta Taageereyaasha Reer Masar maadaama dhawaan uu si rasmi ah u furmi doono koobka Dunida Saalaxna uu kaalin wanaagsan ka qaatay in sanado badan kadib uu xulkiisa u soo baxo ka qayb galka koobka Dunida.

 

 

2 COMMENTS

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.