Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa waxaa uu si wayn ugu dheeraaday muhiimada gaarka ah ee kooxdiisa ay u leedahay soo xero gelintooda Xherdan Shaqiri.
Xherdan Shaqiri waa xidig u dhashay dalka Switzerland waana igaar aad loogu amaano in uu yahay mid orod badan xariifna ku ah maamulashada kubadda cagta.
Macalin Klopp ayaa rumaysan in uu sii xoojin karo Xherdan Shaqiri awooda xidigahiisa weerarka ku caaboon ee kala ah Mohamed Salah,Roberto Firmino iyo Sadio Mane.
Xidiga Reer Masar ee Maxamed saalax ayaa naftad ahaantiisa si gaar ah u amaanay laacibkan waxaana uu si wayn ugu nuux nuuxsaday in uu sii xoojin doono awooda kooxda.
Jamaahiirta kooxda Reds ayaa si wayn ugu sacabo tumay ninkaan soo dhawayntiisa balse la’arki doonee waxa uu kusoo kordhin doono marka uu furmo dhawaan xili ciyaareedka Premier Leage.
READ MORE FROM THE SOURCE: Jurgen Klopp oo sadax arin ku amaanay Saxiixiisa Xherdan Shaqiri.