Ka Hor Kulanka Girona, Taageereyaasha Real Madrid Oo Arrin Ay Ku Farxaan Ugu Tegay Xarunta Tababarka Ee Valdebebas

0
54

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dib u heshay ciyaartooyo muhiim ah xilli xasaasiya kaddib markii ay usbuucan uu dhaawac gaadhay kabtanka kooxda Sergio Ramos isla markaana kaadh cas la siiyey Raphael Varane.
Real Madrid oo isku diyaarinaysa lugta labaad ee siddeed dhamaadka Copa del Rey oo ay kula ballansan tahay Girona, ayaa waxa tababarkii ugu dambeeyey kusoo laabtay Sergio Ramos oo kasoo doogay dhaawacii haleelay, Keylor Navas iyo Marco Asensio, kuwaas oo si buuxda u qaatay tababarka.
Navas oo muddo ka maqnaa garoomada ayaa waxa uu booska goolhayaha labaad ka cidhiidhsan doonaa Luca Zidane, waxaana la filayaa inuu kusoo laabto safka koowaad ee kulanka Girona, halka uu Thibaut Coutois uu beddelka u fadhiyi doono.
Tababari Solari ayaa qiimayn doona xaaladda Asensio oo dib ugu noqday dhaawac muddo uu u jiifay xilli uu tababarka la qaadanayey asxaabtiisa, waxaana la filayaa in aanu soo dedejinin ee uu mar kale fursad u siiyo inuu tababar dheeraad ah sameeyo ka hor inta aan la ciyaarsiinin.
Soo laabashada Ramos ayaa waxay Real Madrid ka furfurtay madax-xanuun ah sidii ay u xallin lahayd booskiisa mar haddii uu ganaax ku maqnaan doono Varane kulanka Alaves ee Axadda soo socota, maadaama difaaca reer France loo ogol yahay inuu ciyaaro Copa del Rey.
The post Ka Hor Kulanka Girona, Taageereyaasha Real Madrid Oo Arrin Ay Ku Farxaan Ugu Tegay Xarunta Tababarka Ee Valdebebas appeared first on Latest football news.




SOURCE: Ka Hor Kulanka Girona, Taageereyaasha Real Madrid Oo Arrin Ay Ku Farxaan Ugu Tegay Xarunta Tababarka Ee Valdebebas

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.