Ka qeyb-galka Roobow ee doorashada K/Galbeed oo laba arrin keentay iyo DF Soomaaliya oo ceebowday

0
275

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa mar kale maanta musharax Mukhtaar Robow loo ogolaaday in uu u tartamo doorashada Madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed, ayada oo la siiyey shahaadada musharaxnimo.Shahaadada la siiyey Roobow ayaa timid kadib markii guddiga go’aamiyeeen inuu xaq u leeyahay inuu doorashada ka qeyb galo, islamarkaana diideen tallaabooyin ay dowladda federaalka dooneysay inay Roobow uga reebto doorashada.Arritan ayaa ku soo adeysa xilli ay dowladda Federal-ka isku dayeysay in ay ka reebto loolanka, ayada oo guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed caddaadis ballaaran ku saartay in ay doorashadda ka reebaan Saddex Musharax oo uu ka mid yahay Roobow. Xubanaha kale ee la rabay in doorashada laga saaro ayaa ah, Xuseen Cismaan Xuseen, taliyihii hore ee NISA iyo Aadan Saransoor.Hase ahaatee, go’aankii gudiga doorashada ee Koonfur Galbeed markale ugu ogolaadeen Roobow waxay dhalineysaa laba arrin.1 – Doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed oo xiiso badan yeelan doonta.Caadiyan haddii uu tartanka ka hari lahaa Robow, doorashada Koonfur Galbeed waxa ay noqon lahayd mid aan xiiso lahayn, sababtoo ah dad badan waxay doonayaan inay ogaadaan waxa dhici doona, maadaama Roobow uu yahay hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab.Haddii Roobow laga reebi lahaa doorashada, waxaa soo bixi lahayd in dowladda si rasmi ah ugu guuleysatay in ay dhabbaha u xaartay musharaxa ay iyada wadato ee Cabdicasiis Lafta Gareen.In Robow ka soo muuqdo liiskaas waxa ay noqon doonta mid xiiso keenta iyada oo ay waliba beesha caalamka si gaar ah ula socon doonto waxa ka dhacaya Baydhabo.2 – Dowladda federaal-ka oo markii labaad ku guuldarreysatay in ay Roobow ay reebtoWaxa ay dowladda isku dayday in ay si toos ah ama si dadban uga reebto Roobow tartanka madaxtinimo ee Koonfur Galbeed.Waxaa caddeyn u ah qoraalkii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee lagu sheegayey in uusan tartami karin iyo dadaalo ay galisay guddiga doorashada si ay u reebaan Roobow.Hase ahaatee, in markale uu helo ogolaansho waxa ay dhabar jab ku tahay xukumadda Xassan Cali Kheyre oo si weyn farogalin uga heysa doorashada Koonfur Galbeed.Waxybaaha xoojinaya taageerada uu Robow ka helayo beesha Digil iyo Mirifle waxaa lagu soo koobi karaa saddex qodob oo kala ah 1 – Hanjabaaddiisii qabiillada Shabeellada Hoose dhibaatada ka wada, 2 – La dagaalanka Al-Shabaab iyo 3 – Ciribtirka tuugta isbaarada dhigata wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com




SOURCE: Ka qeyb-galka Roobow ee doorashada K/Galbeed oo laba arrin keentay iyo DF Soomaaliya oo ceebowday

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.