Kabtanka Xulka Qaranka Mexico Rafael Marquez ayaa waxaa koobka aduunka uu ka dhigay Taariikh layaab leh oo ay adag tahay in ciyaar yahan kale uu jabiyo.
Kabtan Rafael Marquez ayaa waxaa uu ku soo kor dhiyay Koobka Aduunka tan iyo 1954-tii in uu noqday xidigii abdi ugu da’da waynaa ee kasoo muuqda wareega 16-ka.
Waxaa uu kasoo muuqday kulankii Xulka Mexico iyo Brazil ay wada ciyaareen iyadoona dhacdadan si wayn usoo jiidatay Dadwaynaha Caalamka.
Waxaa uu jiraa 39 sano iyo 139 maalmood walina waa nin awood u leh in uu kubadda sii ciyaaro.
Stanley Matthews ayaa iskoorkaan mid lamid ah sameeyay 1954-tii.
READ MORE FROM THE SOURCE: KABTANKA XULKA MEXICO OO DHIGAY RIKOOR CAJIIB AH OO AYSAN CIDNA KU HAYSAN.