Kadib Dhaawaca Trent Alexander-Arnold & Ganaaxa James Milner-Jurgen Klopp Oo Qaab Cusub Ku Xalin Kara Dhibaatada Kooxdiisa Ee Kulanka Leicester City.

0
76

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in da’yarka difaaca midig ee Trent Alexander-Arnold uu seegi doono kulanka Anfield ee Leicester City ee horyaalka Premier league waxaana sidoo kale kulankan ganaax ku seegaya James Milner oo difaaca midig Reds uga sii ciyaaray kulankii ugu danbeeyay ee uu kaadhka cas qaatay.
Jurgen Klopp ayaa muujiyay in uu gabi ahaanba qaabka shaxda kooxdiisa Liverpool badali doono si uu xal ugu raadiyo dhaawaca Trent Alexander-Arnold iyo in James Milner uu ganaax ku maqan yahay, wuxuuna muujiyay in shaxihiisii 4-3-3 ama 4-2-3-1 uu ka dhigi karo 3-5-3 si uu dhibaatada difaaca kooxdiisa u xaliyo.
Jurgen Klopp ayaa cadeeyay in Fabinho iyo Van Dijk ay tababarka kooxdiisa ku soo laabteen waxaana la filayaa in uu saddex difaac dhexe ah ku soo gali karo kulanka Leicester City si uu dhibaatada difaac midig ee kooxdiisa u xaliyo iyada oo ay suurtogal tahay in Van Dijk, Joel Matip iyo Fabinho ay saddexda difaaca ah ku soo wada bilaaban karaan.
Haddii ay dhacdo in Klopp uu saddex difaac dhexe ah ku soo bilawdo kulanka Leicester City waxaa la filayaa in Robertoson iyo da’yarka Camacho ay ka ciyaari doonaan difaac danbeeyada oo ku xisaabtan shanta khadka dhexe waana qaabkii ay kooxdii Antonio Conte ee Chelsea ay koobka Premier Leauge ugu soo guulaystay.
Jordan Henderson iyo Wijnaldum oo dhaawac ka soo laabtay ayaa khadka dhexe ku soo wada bilaaban kara halka Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino ay saddexda weerarka ugu soo bilaaban karaan.
Laakiin Klopp ayaa haysta fursad uu ku sii joogtayn karo shaxdiisii 4-2-3-1 isaga oo difaaca dhexe u dhaafi kara Van Dijk iyo Matip wuxuuna difaaca midig ka ciyaarsiin karaa Fabinho halka Robertoson uu difaaca bidix sidiisii hore ka ciyaari karo waana shaxda ay suurtogalka tahay in Klopp uu ku ciyaari karo.
Laakiin inta kale ayay suurtogal tahay in ayna waxba iska badali doonin. Haddaba halkan kaga bogo qaabka uu Klopp ku xalin karo shaxdiisa kulanka Leicester City ee Premier league.

Haddii ay shaxdani suurtogal u noqon waydo oo uu Klopp ku qanci waayo waxa uu ka saari doonaa da’yarka Camacho wuxuuna ku badali doonaa Fabinho taas oo afar difaac ah ka dhigi karta.
The post Kadib Dhaawaca Trent Alexander-Arnold & Ganaaxa James Milner-Jurgen Klopp Oo Qaab Cusub Ku Xalin Kara Dhibaatada Kooxdiisa Ee Kulanka Leicester City. appeared first on Latest football news.




SOURCE: Kadib Dhaawaca Trent Alexander-Arnold & Ganaaxa James Milner-Jurgen Klopp Oo Qaab Cusub Ku Xalin Kara Dhibaatada Kooxdiisa Ee Kulanka Leicester City.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.