Kalatagga Itoobiya

0
59

Inta badan, dhulalka iyo ummaduhuba waxay ku midoobaan qori caaraddii. Marar aan badnaynna ayagoo israba ayay midoobaan. Marar badanna waxaa dhacda inay dawladuhu u kala googo’aan dawlado iyo maamullo.

Hore waxaa kala furfurtay dawlado waaweyn sida Cuthmaaniyiintii, Midowgii Soofiyeeti iyo Yuguslaafiya. Haddaan fiirinno sababaha ay ku burbureen kuwaasi, waxaan arkaynaa inay isla sababihii yaallaan Itoobiyada maanta jirta.

Waxaan dhowaan joogay khudbaddii Raysal wasaaraha Itoobiya iyo kulankiisii gaarka ahaa ee Miniyaabulis, Maraykanka. Aad ayaa looga soo qayb galay. Waxaa la watay calammo iyo bandiirado kala duwan; waxaa ugu badnaa kan Oromada, waxaa ku xigay kii Mingiste, ka dibna kiii Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya (JWXO). Waxaa meeshaas aan xitaa laga waayin calankii Xaylasalaase ka maqnaa saddex calan: calanka Itoobiya (oo kaliya garab yaallay kan Maraykanka), calanka Tigreega, iyo calanka Dawlad Degaanka Soomaalida (DDSI). Waxaan soo arkay quruumo kala hidde iyo hadaf ah. Markii Canfartu ay yimaaddeen si ay luqaddooda ugu heesaan, Axmaaradii ayaa ka xanaaqday oo qaylisay. Dhinaca qaska jadwalka asagu waa ka sheekee. Waxay Oromada iyo Axmaaradu ku murmeen luuqadee ayuu RW ku hadli doonaa, ilaa uu ka soo dhexgalay MW Oromiya Lama Magaarsi oo yiri, labadaba waan ku hadlaynaa!

Kulankiisii gaarka ahaa, waxaa lagu martiqaaday kun ruux: 700 oo Oromo ah, 100 Soomaali ah, wax ka yar 24 Axmaaro ah, iyo 17 Tigree ah! Waxaa ii muuqday in Itoobiya kala tagtay, ra’yigaasna kaligay kuma ahayne, waxaa ila wadaagay waxgaradka aan isla joognay. Lama baajin karo, wayna kala tagaysaa Itoobiya sababahan:

1- Way qaybsan yihiin saan soo sheegay, waana loollamayaan, dagaalna wuu ka socdaa xuduudaha qawmiyadaha, naca dhexdoodana yaallaana wuu kordhay. Waxaa garab socda qaybsanaantaa, qalalaasaha, iyo qulqulatooyinka. Weli wuu socdaa dagaalkii Geriga iyo Jaarsada, kii Mooyaale iyo Baabili. Halka Axmaarada laga eryay Oromiya iyo Banii Shunguul, ku darso cararka Tigree ee gobol walba. Ammaanku ma sugna, oo waa taa la beegsanayo, dadkii magaca lahaa. Fal danbiyeedyada iyo isqixintuna way sii badanayaan. Waxay u muuqataa Oromo inaysan dan ka lahayn inay maamulaan Itoobiya, oo ay kala weyn tahay Oromonnimada iyo amar-ku-taaglaynta. Waxaabad isdhihi waxay ka jecel yihiin Oromiya oo ballaadhan.

2- Itoobiya waxay ka samaysan tahay maamul federaal ah; macnaha waa dawlad goboleedyo ismaamula. Si ay u go’aan, eber kama soo bilaabayaane, wayba taagan tahay sidii Midowga Soofiyeeti u lahaa jumhuuriyado ku salaysan qawmiyadaha. Sidaas oo kale, waa sahal in Itoobiya maamul goboleed kasta uu madaxbannaani ku dhawaaqo. Madaxa Tigreega wuu tilmaamay inay go’i karaan. Hadday go’aanna, waxaa ku xigi Xaaji Sayuum, oo asna goyn Canfarta. Soomaalida iyadu waaba la mid oo waxaabay usii qaybsami qabaa’il maamuleed. Markay halkaa marayso, waa Balkaniyayn (Balkanisation; البلقنة).

Ibnu Khalduun wuxuu yiri, “Ogoow in dhalashada dawladaha iyo bilowgooduba, marka dawladdii degganayd ay gabowdo oo kala go’ayso waxay noqon labo nooc: ama inay talada maroorsadaan madaxda maamullada dawladda ee meelaha geeska ku yaalla xiliga gabbalkeedu dhankood ka sii dhacayo, oo uu mid walboo ka mid ah uu helo dawlad uu tolkiis u sameeyo.”

3- RW Abiyee waa nin leh labo tilmaamood oo dhib ah. Waa nin jilicsan oo fudud. Waa nin cod jilicsan. Iyadoo ay jirto waxa Oromadu samaynayso oo qixin iyo weerarro ah, haddana ma joojin karo. Sidaa oo kalena, ma uusan ka canaanan daandaansigooda iyo ruqaansigooda. Waxa layaabka leh ee uu ka sheegay shirka, in uu ku shaqaynayo dhanka uu u jeediyo Lamme Magaarsi (madaxwaynaha Oromiya), oo aan ka ag dhaqaaqaynin geeddi iyo nagaadiba. Ka warran RW ka amar qaadanaya guddoomiye gobol? Hadday xitaa dhab tahay, waa garaadli’i inuu dhaho hebel baa i xukuma, oo dadkuna u arkaan nin la maamulo! Waxaa dhici karta in lagu doodo, madaxdii Tigreega waa kan eryaye, miyuuna nin adag ahayn? Waxaan kaga jawaabi, adaygga waxaa iska leh Lemma.

Sidaa oo kale wuu fudud yahay, oo go’aanno masiiri ah ayuu ku gaadhayaa waqti kooban, sida joojintii Mashruucii Biyo-xireenka Horumarka. Wuxuu faafiyaa waxa qarsoon ee dhex mara asaga iyo madaxda dunida; wuxuu faafiyay sheeko dhex martay asaga iyo Maxamed binu Saa’id, horayna Farmaajo ayuu bannaanka keenay.

Gabagabadii, ninkan ma aha ninkii samatabixin lahaa Itoobiya, sida aan filina waa in laga sheekayn doono waddan la oran jiray Itoobiya. Su’aashu waa xagga waqtiga uun inta laga gaarayo in dawlado ka hoos dhashaan, waana siduu sheegay Ibnu Khalduun, “hadii uu gabow ku dhaco dawladda, kama kaco”. Hadalkaas mid la mid ah ayaa waxaa yiri, taariikhyahankii iyo faylasoofkii Ingiriiska ahaa ee Aarnoold Toonbi, “waxay ku burburaan dawladuhu oo ay ugu qaybsamaan dawlado yaryar ah markay ku guuldaraysato inay hor istaagto ama ka fal celiso caqabadaha ka hor imanaya.”

ولله الأمر من قبل ومن بعد…






READ MORE FROM THE SOURCE: Kalatagga Itoobiya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.