Kalluumeysatada Muqdisho Oo Sheegaya In Aysan Joojin Karin Jillaabashada

0
340

Diyaar garow shaqo ayaa ka soconaya Xeebaha taasi oo ay ku doonayaan Kalluumeysatada inay ku jilaabtaan, iyada oo xilligan lagu guda jiro bad xiranka.
Maxamuud Axmed Ibrahim oo ka mid ah Kalluumeysatada ayaa Goobjoog News u sheegay in badda si walba oo ay u kacdo inaysan joojin Karin Jillaabashadeeda isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri .
“ Waan maqalnay Khatarta la sheegay, balse annaga Banki kale iyo beer kale malihin, Bankigeenna iyo beerteenna waa badda, waxaan u shaqo tageynaa badda in kastoo ay dowladda noo sheegtay hadana kama joogi karno ilmo ayaa diif naga cunayo”.
Faarax Cusmaan oo isna ka mid ah dadka ka jillaabta badda ayaa sheegay dhankiisa in xilligan aysan badda kacsaneyn waxaa uuna yiri .
“Badda waxaa ay leedahay Xagaa iyo xilli qabow, xagaaga waa ay khasantahay badda balse haddii uu roobka da’o waa ay degtaa”.
Ganacstada kalluunka ee Suuqyada Muqdisho ayaa sheegay in wax is bedel ah uusan ku imaanin kalluunka isaga oo sidii hore looga soo jillaabto badda sida uu Goobjoog News u sheegay Mustaf Xaaji oo ah ganacsade kalluun.
“Kalluunka waa caadi wax bad xiran ahna nama saameynin, dadkana sidii hore ayay u gataan”.
Dhowaan ayey aheyd markii wasaaradda kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ay soo saartay waraaq ay uga digeyso kalluumeysatada inay badda galaan ama meelaha fog fog ay ka soo jillaabtaan taasi oo keeni karto khatar soo wajahda iyaga iyo doomahooda.
Cali Aadan Muumin
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Kalluumeysatada Muqdisho Oo Sheegaya In Aysan Joojin Karin Jillaabashada

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.