Kaltuun Sheekh oo jawaab ka bixisay hadalkii Xaliimo Yarey

0
226

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Soomaaliya Xaliimo Yarey.Marwo Xaliimo Yarey ayaa waxay hore u sheegtay in deegaanada Somaliland ka qabsoomeyso doorashada 2020-ka, oo ay kamid tahay gobolada dalka ee doorashadaasi ka dhaceyso.Waxay sidoo kale sheegtay in looga baahan-yahay inay soo gudbiyaan Magacyada xubnaha doorashadaas uga qeyb galeysa.Marwo Kaltuun Sheikh Xasan oo kamida xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, oo maanta warbaahinta kula hadleysay xarunta Komishanka ee Hargeysa, ayaa waxay si adag uga jawaabtay hadalkaasi, waxayna tiri“Waxaan maanta ka jawaabayaa hadal ka soo yeedhay gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka Soomaaliya, hadalkaas oo runtii aan ahayn mid Somaliland munaasib ku ah, deelqaaf weyna ku ah oo ay kaga hadlaysay gabadhaasi doorashooyinka Somaliland, Waxaanu leenahay gudoomiyaha guddida doorashooyinka Somalia ee hadlay, waxaan u sheegayaa Somaliland inay tahay dal madaxbanaan oo leh guddi doorasho oo madaxbanaan”.“Somaliland doorashooyinkeedu waxay soo qabsoomayeen mudo hada ku dhaw labaatan sanadood oo guddidaa doorashooyinkuna ay mudadaas la soo jaan-qaadayeen oo ay ahaayen kuwa qabanaya mar kasta doorashooyinka Somaliland iyo diiwaangalintaba, waxaana loo xil-saaray guddi madax-banaan oo guddi heer-qaran ah oo Somaliland ay leedahay, markaa waxaan leeyahay horta taa inaad ogaato ayaa kuu haboonayd horta gudoomiye” ayey tiri Marwo Kaltuun Sheikh.Waxayna intaas kusii dartay “Somaliland waxay leedahay xisbiyo qaran oo ay soo doorteen bulshadoodu oo ku yimid doorasho dadweyne, halka ay gabadhaasi ka leedahay waxaanu ka qaban doonaa doorashooyinka Somaliland oo waxaanu geyn doonaa sanaaduuq oo xisbiyo ay iyadu ku matalayso Soomaaliya ayaa ka hawl-gali doona”.“Waxaan u sheegayaa Somaliland inay leedahay xisbiyo qaran oo aanay u baahnayn dal kalena aan looga soo waaridayn xisbiyo kale”.Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com




SOURCE: Kaltuun Sheekh oo jawaab ka bixisay hadalkii Xaliimo Yarey

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.