Kenya oo ku dhawaaqday arrin ka dhan ah Al-Shabaab

0
58

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Monica Juma oo ka hadleysay awooda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weli halis ay ku yihiin gobolka.Monica ayaa tilmaamtay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, si looga adkaato.Sidoo kale waxa ay ku baaqday in Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab lagu daro liiska waxa loogu yeero kooxaha Argagixisada.Wasiir Monica Juma oo ka hadleysay weerarkii Kismaayo ayaa sheegtay inuu muujinayo qatarta xoogan ee ay lee yihiin Al-Shabaab.Waxa kale oo ay sheegtay in dowladdeedu ay ka xuntahay weerarkaasi, islamarkaana ay tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay halkaasiBeesha caalamka, gaar ahaan golaha ammaanka ee QM ayey u soo jeedisay inay si deg deg ah ugu daraan liiska Argagixisada caalamka.Al-Shabaab oo ka dagaalama gudaha Soomaaliya ayaa inta badanweeraro geysta khasaare xoogan ku qaada gudaha dalka Kenya.Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaaCaasimada Online Xafiiska NairobiCaasimada@live.com 




SOURCE: Kenya oo ku dhawaaqday arrin ka dhan ah Al-Shabaab

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.