Kenya oo qaaday tallaabo shaki badan abuurtay xilli uu muran BADEED kala dhaxeeyo Soomaaliya

0
236

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo tuhun badan dhalisay kaddib markii ay sameysatay ciidamo boolis ah oo ilaaliya xeebeheeda.Kenya hore uma lahayn boolis badeed, hase ahaatee waxa ay hadda tallabadaas u qaaday sidii ay fursad ugu heli lahayd ciidamadeena badda ee Militariga ah si ay uga difaacaan weeraro iyo qatar badda ka soo wajahda mustaqbalka.Rashiid Cabdi ayaa ku qoray boggiisa Twitter-ka sidan“Kenya tallaabo muhiim ah ayey u qaaday in ay xududeheeda biyaha ilaaliso kaddib markii ay sameysatay ilaalo cusub oo badda ah. Meelaha ay diiradda saareyso waxaa ka mid ah kalluumeysiga sharci daradda ah iyo wasakhda badda lagu soo shubo.“Tani waxa ay u fasaxeysaa ciidamadda Badda ee Kenya in ay diiradda saaraan ammaanka iyo cabsi mustaqlka Militari ahaan ku soo wajahda, sidaas waxaa ii sheegay ilo wareed.”Tallaabadan Kenya qaaday ayaa imaaneysa iyada oo ay jirto muran dhinac badda ah oo dalkeena Soomaaliya kala dhaxeeya.Kiiskaan waxa uu yaal maxkmadda cadaaladda ee aduunka walina go’aan kama dambeys ah lagama gaarin.Kiiska badda ee muran dhaliyey waxaa hore u saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka tirsanaa xukumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com




SOURCE: Kenya oo qaaday tallaabo shaki badan abuurtay xilli uu muran BADEED kala dhaxeeyo Soomaaliya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.