Kenya oo siyaasiyiintii ugu badneyd oo Soomaali ah ka mamnuuceysa Nairobi 

0
174

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay dalkaasi ka mamnuuceysa Soomaali badan oo Siyaasiyiin ay ku jiraan.Liis Sir ah oo ay shaaciyeen warbaahinta dalka Kenya ayaa waxaa ku jiray masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasi oo la sheegay in laga mamnuucaysa inay tagaan dalka Kenya.Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in siyaasiyiintaasi ay gaarayaan ku dhawaad 66 xubnood, waxaana la sheegayaa in dhamaantood laga mamnuucayo inay gudaha Kenya tagaan.Arintaan ayaa qeyb ka ah cadaadiska dowladda Soomaaliya ay kala kulmeyso dowladda Kenya, kaasi oo xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay.Siyaasiyiinta ayaa sida liiska la arkay ku xusan waxaa ku jira ra’iisul wasaare, wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, milkiilayaal isgaarsiin iyo xubno hore.Laakiin wargeysyada dalka Kenya ma aysan shaacin magacyada iyo goorta la mamnuucayo siyaasiyiinta, walow ay soo bandhigeen inay gaarayaan ku dhawad 66 xubnood oo siyaasiyiin Soomaali ah.Kenya ayaa dooneysa in dowladda Soomaaliya ay ka laabato kiiska dacwadda dhanka badda ah oo dhamaadka sanadkaan la filayo in maxkamadda ICJ go’aan ka gaarto.La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Kenya oo siyaasiyiintii ugu badneyd oo Soomaali ah ka mamnuuceysa Nairobi 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.