Kenya oo soo bandhigtay magaca hoggaamiyiha weerarkii Shabaab ee Wajeer

0
13

Wajeer (Caasimadda Online) – Sirdoonka Kenya ayaa shaaciyey magaca Macalin iskuul degaanka kasoo jeeda oo hoggaaminayey weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen dad saarnaa bas marayey Wajeer, oo lagu dilay 13 qof oo u badnaa saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Kenya, ninkan ayaa lagu magacaabaa Maxamed Xuseen Xasan, wuxuuna macali ka ahaa Dugsi Hoose oo ku yaalla degmada Wajeer, wuxuuna muddo ka hore gudaha Kenya geeyay maleeshiyooyin ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo la qabtay dad ay ka mid tahay xaaskiisa oo su’aalo la weydiiyey.
Weerarkii Wajeer oo ay sheegtay Al-Shabaab, kana mid ahaa kuwa ugu khasaraha badan ayaa dadka lagu dilay waxaa ka mid ahaa 8 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska Kenya.
Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday Bas ku socday Mandheera, waxaana jidka u galay maleeshiyo ka badan 15 Nin oo uu hoggaaminayay Maxamed Xuseen Xasan, kuwaasoo dadkii Baska saarnaa u kala saaray muslimiin iyo Kirishtaan, kadibna laayey dadkii aan muslimka ahayn.
Ururka Al-Shabaab ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay gudaha dalka Kenya, waxayna dhawr jeer ka fuliyeen gudaha Kenya weeraro khasaaro badan geystay.
Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo badan oo ka tirsan howlgalka AMISOM, waxayna Al-Shabaab sheegtay inay joojin doonto weerarada ay ka fuliso Soomaaliya marka ay Kenya ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.




SOURCE: Kenya oo soo bandhigtay magaca hoggaamiyiha weerarkii Shabaab ee Wajeer

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.