|

Kenya oo war ka soo saartay weerarkii lagu qaaday saldhigga Lamu + Sawirro

Nairobi (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay taliska milatariga Kenya ayaa waxaa looga hadlay weerar xoogan oo saaka aroortii hore dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Lamu ee dalkaasi.
Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in weerarka uu bilowday 5:30 daqiiqo, islamarkaana ay dagaalyahannadu isku dayeen inay gudaha u galaan saldhigaasi, balse laga hortagay.
Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay ugu yaraan afar ka tirsanaa kooxdii weerarka qaaday, islamarkaana uu guul ku soo dhamaaday howlgalka, sida uu hadalka u dhigtay.
Warkaan ayaa ugu dambeyn lagu sheegay in rasaasta la riday ay waxyeelo ka soo gaartay Booyado shidaal oo saldhigga yiilay, islamarkaan uu ka dhashay dab xoogan.
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo bayaan ka soo baxay Al-Shabaab lagu sheegay in dagaalyahannadooda ay la wareegeen qeyb ka mid ah xerada la weeraray oo ay wax ka dagan yihiin ciidamo Mareykan ah oo la sheegay inay tababar siiyaan kuwa dalka Kenya.
Illaa iyo hadda lama shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac, balse sawirro laga soo qaaday goobta ayaa la arkayey uuro & qiic cirka isku shareeray.

 
 
 
 




SOURCE: Kenya oo war ka soo saartay weerarkii lagu qaaday saldhigga Lamu + Sawirro

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application