Kenya oo xayiraad ku rogtay xeryaha qaxootiga ee Kakuma iyo Dhadhaab

0
178

Ku dhawaad nus malyuun qaxooti ah oo ku nool xeryaha Kenya ayaa waxaa soo food saartay cabsi laga qabo in uu ku faafo covid 19 iyadoo loo sababeenaayo fayadhowro xumo iyo dad badni halkaas ka jirto.

Xeryahan ayaan wali diiwaan galin hal kiis oo coronavirus ah, laakiin hayada qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa durbaba isku diyaarineysa ka hortaga halista COVID-19.
Waxay ka digayaan cawaaqibka ka dhalan kara haddii uu ka dillaaco coronavirus xeryaha qoxootiga dhexdooda.

Dowladda ayaa kordhisay korjoogteynta COVID-19 ee xeryaha qaxootiga iyadoo kiisasku ay sarre u kaceen ilaa usbuucii lasoo dhaafay.
korjoogtaynta ayaa sare loo qaaday usbuuc ka dib markii wasiirka wasaarada arrimha gudaha Fred Matiangi uu ku dhawaaqay xayiraada xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma oo ay ku nool yihiin nus malyuun qaxooti ah oo ka kala yimid Soomaaliya iyo South Sudan.

Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Patrick Amoth ayaa sheegay in dhisidda awoodda loogu talagalay shaqaalaha caafimaadka ee u adeegaya dadka qaxootiga ah ay durba soconayso, si loo hubiyo inay sidoo kale ku jiraan tallaabooyin la qaaday si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.

“Annaga oo kaashanayna xulafadeena oo ay ka mid yihiin UNHCR, World Vision, bisha cas waxaan kor u qaadnay awooda ilaalada xeryaha qaxootiga”, ayuu yiri

kiisaska covid19 ee dalka kenya ayaa isniintii gaaray 490, ka dib markii 25 kiis oo cusub laga diiwaan geliyey Mombasa iyo Nairobi.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.