Kenyaatta “Hadii aan iska qaban Al-Shabaab waxa ay nagu leynayaan guryaheena”

0
66

Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyaatta ayaa si kulul uga hadlay qalqalka amni ee maleeshiyadka Al-Shabaab ay ku hayaan qeybo kamid ah Gobolada dalkiisa.
Madaxweyne Kenyaatta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato weyn ku hayaan dadka ku nool Gobolada Kenya waxa uuna lama huraan ku sheegay in lagu weeraro goobaha ay kasoo duulan  tagaan.
Kenyaatta, waxa uu qiray in Al-Shabaab ay hoos u dhigeen amnigii ka jiray Kenya, balse waxa uu ku goodiyay in weerar cir iyo dhul ay ku qaadi doonaan goobaha ay ka degan yihiin Kenya.
“Al-Shabaab halis ayey nagu yihiin waa inaan u istaagnaa la dagaalankooda waad aragtaan sida ay u xasuuqayaan Hooyooyinka, Carruurta iyo dhalinyaradeena”
“Waa inaan uga dabatagnaa goobaha ay ka dhigtaan hoyaadka waayo malaha awood ay nagula dagaalamaan keliya waxa ay awood ka dhigtaan inay geystaan xasuuq kadibna ay ku laabtaan goobahooda, haddii aan iska celin waxa ay noogu imaan doonaan guryaheena”
Kenyaatta, waxa uu carab dhabay isagoo ka hadlaayay dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab in awooda Kenya ay tahay mid u baahan in lagu tijaabiyo Al-Shabaab oo uu sheegay inay halis muuqata ku yihiin Kenya.
Sidoo kale, waxa uu laamaha amaanka ugu baaqay inay qaadan duulaan kama danbeyn ah oo lagu soo afmeerayo Al-Shabaabka dhuumaaleysiga ku jira.
Haddalka Kenyaatta ayaa kusoo beegmaya xili maleeshiyada Al-Shabaab ay Qaraxyo ku laayan askarta dalkiisa gaar ahaan qeybaha ku sugan Gobolada.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com




SOURCE: Kenyaatta “Hadii aan iska qaban Al-Shabaab waxa ay nagu leynayaan guryaheena”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.