Khasaaraha weerarka SYL iyo qaar ka tirsan dableydii Al-Shabaab oo la toogtay

0
199

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in weli rasaas laga maqlayo Hotel SYL oo ay maqribnimadii Caawa weerareen dabley ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.
Tirada dableyda Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday Hotel SYL ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 5 kuwaas oo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca iyo bambaanooyinka gacmaha laga tuuro.
Sida uu Caasimadda Online u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan saraakiisha ku howlan sidii loo soo badbaadin lahaa dadka meesha ku go’doonsan, waxaa la toogtay Seddex ka tirsan dableyda Al-Shabaab iyadoo ay weli hotelka dhexdiisa ka dagaalamayaan laba tirsan Al-Shabaab.
Labada dabley ee ka tirsan Al-Shaab ee weli ka dagaalamayo Hotelka ayaa la sheegay inay galeen meel shub ah oo ay kasoo ridayaan rasaas iyadoo ay ciidamada Dowladda weli ku howlan yihiin sidii ay usoo afjari lahaayeen.
Xilliga weerarka lagu soo qaaday Hotelka SYL ayaa la sheegay in casho sharaf loogu sameenayey qaar ka tirsan odayaal dhaqameedyadii lagu marti qaaday kulankii Maanta lagu caleema saaray Guddoonka Beelaha Habargidir.
3 ka tirsan odayaal dhaqameedyadii halkaas casho sharafta loogu sameeyey ayaa la sheegay inay ku dhinteen gudaha Hotelka halka Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda uu ku dhintay rasaasta ka socoto Hotelka.
Sidoo kale dad badan oo Shacab ah oo aan weli tiradooda la helin ayaa ku dhintay weerarkaas, iyadoo dhinaca kalana ay ku dhaawacmeyn illaa 2 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Dadka Hotelka ku dhintay ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Garsoore ka tirsan Maxkamadda Racfaanka iyo nin Sacuudiga uga imaaday dacwad dhul.
Khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa weli isisoo tarayo, waxaana marba marka ka dambeeyo lasoo sheegayaa dhimasho iyo dhaawac cusub maadaama weli ay socoto rasaasta.
Ragga hubeysan ee galay gudaha hotelka ayaa ku socday lugta taasoo ah xeelad cusub, iyadoo la ogyahay in Al-shabaab marka ay fulinayaan weeraradan oo kale ay adeegsan jireen gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey oo ay ku furan jireen albaabka hotelka ama dhismaha ay weerarayaan.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaan, waxayna sheegeen inuu u dhacay sidii loogu talagalay.
Hoteelka SYL ayaa laba jeer oo hore waxaa weerar ku qaaday Al-Shabaab iyadoo uu ka dhashay qasaare kala duwan.




SOURCE: Khasaaraha weerarka SYL iyo qaar ka tirsan dableydii Al-Shabaab oo la toogtay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.