Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, illaa Saddex Hoobiye ayaa goor dhow ku dhacay xaafado ku dhow Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare dhaawac ah.
Inta la xaqiijiyey Shan qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay madaafiicdan, iyadoo daqiiqado Kooban ay dadku dareemeen qalqal.
Ma jirto faah faahin intaa ka dheer Madaafiicdan, balse gaadiidka gurmadka oo gaaray halka Hoobiyeyaashan ku dhaceen ayaa qaaday dadkii dhaawacyada soo gaareen.
Maamulka degmada Wadajir iyo saraakiisha ammaanka degmadaasi wax war ah kama aanay soo saarin Madaafiicdan.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News
READ MORE FROM THE SOURCE: Khasaare Ka Dhashay Madaafiic Ku Dhacday Xaafado Ka Tirsan Degmada Wadajir