Khatar amaan oo ku soo wajahneyd Muqdisho oo la ogaaday iyo baaritaano adag oo socda (Warbixin)

0
273

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad cabsi ah ayaa ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kadib markii laga warhelay in gaadiid qaraxyo ah magaalada ay soo galeen.Saraakiisha amaanka ayaa sheegay inay heleen xog ah in xalay gaari nooca raaxada ah uu soo galay magaalada kaasi oo lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, taasina ay keentay in feejignaan ay galaan ciidamada amaanka.Baaritaano adag ayaa ka socdo degmooyinka ku hareereysan madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka qeyb qaadanaya ciidamada booliska AMISOM ee kusugan magaalada Muqdisho.Ciidamada ayaa baaritaanka ugu adag waxay ka wadaan hareeraha madaxtooyada gaar ahaan degmada Boondheere ilaa taalada Daljirka Dahsoon iyo xarumo kale, halkaasi oo gaadiidka hal hal loo baarayo.Eeyaha sida gaarka ah u tababaran ee ciidamada AMISOM iyo booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale baaritaanka qeyb ka ah, waxaana gaadiidka laga dajinayaa dhamaan dadka saaran, iyadoo kadib baaris lagula dhaqaaqayo.Goobta sida aadka ah loo baarayo ayaa ah halkii dhamaadkii sanadkii hore ay ka dhaceen qaraxyadii ay dadka badan ku dhinteen.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Khatar amaan oo ku soo wajahneyd Muqdisho oo la ogaaday iyo baaritaano adag oo socda (Warbixin)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.