Kheyre oo ugu dambeyn furay kulankii Aqalka Sare iyo senatoro isaga tagay xarunta

0
273

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu dambeyn maanta furay kalfadhigga 5-aad ee Aqalka Sare ee baarlamanka, kadib saacado dood iyo buuq ah.Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa markii hore u diiday in Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, uu furo Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka Sare, kadib markii ay ka hor-yimaadeen xildhibaanada.Muddo saacado ah ayaa la sheegay in ay taagneed dood culus oo ku saabsan awoodda uu u leeyahay Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre, in uu furo Kalfadhiga Aqalka Sare.Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Raysal Wasaaraha uusan awood u lahayn, Dastuurkana ku qorneen in Raysal Wasaaraha furo Kalfadhi ay leeyihiin Baarlamaanka Soomaaliya, sidaas darteedna uu yimaado Madaxweynaha Soomaaliya.Senatoro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in maanta lagu ballansanaa Madaxweynaha Soomaaliya uu furo Kalfadhiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya balse mar dambe loo soo diray Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, taasi oo ay aad uga hor-yimaadeen.Si kasabata murankan ayaa markii dambe la xaliyey, ayada oo dhinacyadii ku sugnaa Aqalka Sare ay go’aamiyeen in Kalfadhiga uu furo Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyrre iyadoo la ogyahay in aysan sax ahayn.“Raysal Wasaaraha iyo Guddoonka Aqalka Sare iyo Xubno wasiiro ah muddo saacado ah ayey ku shirsanaayeen xafiiska Guddoomiyaha, dood dheer kadib waa loo fasaxay Kheyre” ayuu yiri Senetor la hadlay Caasimada Online.Dhamaan khudbadihii ay jeediyeen Madaxdii ka qayb-gashay Munaasabadda ayaa laga dareemayay in khilaaf iyo dood ay ka dhalatay ka soo qaybgalka Munaasabadda Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre.Dhinaca kale, senator-ada qaar ayaa ku adkeystay diidmadooda, waxayna isaga tageen xarunta markii Kheyre loo ogolaaday inuu furo khudbadda, waxaana la sheegay in khudbaddisia ay ka maqnaayeen qaar badan oo ka mid ah.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Kheyre oo ugu dambeyn furay kulankii Aqalka Sare iyo senatoro isaga tagay xarunta

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.